(Yurub) 19 Mar 2020. Xiddigo waa weyn ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan xulalkooda ciyaaraha EURO 2021-ka, waxaana hoggaamina Hazard, Kane, Asensio iyo Rashford.
War fiican ayuu u yahay xiddigaha aan magacyadooda idiin soo gudbin doono in dib loo dhigay ciyaaraha qarammada ee Euro 2020, waxaana xiddigahan oo dhaawacyo ku maqan ay awood u yeelan doonaan sida ay u badan tahay inay metelaan xulalkooda inta lagu guda jiro tartanka qarammada Yurub ee 2021-ka.
Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha magacyada waa weyn ee la filayo inay xulalkooda dib ugu soo laabtaan iyo taariikhda la sugayo inay dib ugu soo noqdaan garoomada.
Hazard – 31 May 2020
Rashford – 20 April 2020
Kane – lama hubo
Asensio – 29 Mar 2020
Zaniolo – 31 Aug 2020
Dembele – 04 Aug 2020
Depay – 01 Jul 2020
Sawirka hoosena waxaad dushiisa ka arki kartaa kualmmada ay xaddigahan u ciyaareen kooxahooda:-
Gool FM.