(Turin) 02 Abril 2020. Laacibka khadka dhexe ee Juventus, Blaise Matuidi ayaa heshiiska u kordhiyey kooxdiisa ka dheesha horyaalka Serie A, waxaana uu qandaraaskiisa gaarsiiyey illaa bisha June sanadka 2021-ka.
32-sano jirkaan ayaa heshiiskiisii hore waxa uu ku ekaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku kordhiyey xilli ciyaareed kale, isagoo qandaraaska u cusboonaysiiyey hal sano oo kale.
Si kastaba ha noqotee, Matuidi ayaa qalinka ku duugaya heshiiskan cusub, marka laga soo laabto karaantiilka Coronavirus, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.
Matuidi ayaa 31 kulan ciyaaray tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, ka hor inta uusan ku dhicin Coronavirus.
Xiddiga xulka qaranka France ayaa noqday ciyaaryahankii labaad kaddib Daniele Rugani, kaasoo laga helay Covid-19, inkastoo kaddibna laga helay caabuqan weeraryahanka kooxda ee Paulo Dybala.
Gool FM.