(Barcelona) 02 Abril 2020. Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa weli rajeyneysa inay ka dhabeyso qorshaha ay dib ugu soo ceshanayaan weeraryahanka Paris Saint Germain ee Neymar Jr, waxaana warsidaha caanka ah ee Sky Sports uu fahansan yahay in Barca ay heshiiska ka dhigi doonto mid ciyaartoy isdhaafsi ah.
Sky Sports ayaa tilmaameysa in Blaugrana ay Antoine Griezmann ka qayb gelineyso heshiiska ay PSG kaga doonayaan inay kaga soo qaataan Neymar.
Maadaama kooxda ka dhisan garoonka Camp Nou ay wajahday khasaaro maaliyadeed iyo xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah taasoo sabab u noqday caabuqa coronavirus ayaa waxay doonayaan inay iibiyaan Griezmann ama ay ku daraan heshiisyada ay ku doonayaan inay kula soo saxiixdaan laacibkoodii hore iyo xiddigga Inter Milan ee Lautaro Martinez.
Barca ayaa ku qiimeysa laacibka reer France adduun dhan 100 milyan oo euro, waxaana ay diyaar u yihiin haddii ay ku guuldarreystaan in PSG ay ka dhaadhiciyaan qorshahooda in xiddigga ay toos u iibin doonaan si ay awood ugu yeeshaan la soo saxiixashada Neymar iyo Lautaro.
29-sano jirkan ayaa aaminsan inuu weli mustaqbal ku leeyahay kooxda Barcelona, isagoo qayb ka ahaa xayeysiinta maaliyadda ay kooxda ku ciyaareyso xilli ciyaareedka dambe, balse haddii uu sii joogo waxaa laga yaabaa inuu noqdo dooqa afraad ama shanaad ee weerarka kooxda Barca haddii ay naadiga la soo wareegto labadeeda bartilmaameed, horena ay u joogeen Lionel Messi iyo Luis Suarez.
Gool FM.