(Paris) 03 Abril 2019. Sida wararku ay sheegayaan koox cusub ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka naadiga Paris Saint-Germain ee Layvin Kurzawa.
Sevilla ayaa la soo sheegayaa inay ku soo biirtay xusul duubka loogu jiro soo xero gelinta daafaca kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, Layvin Kurzawa.
Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa doorka labaad ka ciyaarayey xilli ciyaareedkan 2019-20, waxaana uu ka dambeeyey Juan Bernat, isagoo kaliya sagaal kulan ku soo bilowday safka hore ee horyaalka Ligue 1 kal ciyaareedkan.
Barcelona ayaa la sheegay inay isha ku hayso daafacan dambeedka bidix, sabab la xiriirta mustaqbalka aan salka fadhiya lahayn ee Junior Firpo, halka Liverpool sidoo kale loo tixgaliyay inay xiiseyneyso Kurzawa.
Sida ay haatan warinayso Jariiradda Marca, Kooxda Sevilla ayaa ku soo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa daafaca bidix ee Kurzawa, iyadoo daafacyadeeda haatan Sergio Reguilon iyo Sergio Escudero ay labadoodaba mustaqbal aan la hubin ku leeyihiin kooxda Macallin Julen Lopetegui.
Si kastaba ha noqotee, warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in dalabka dhaqaale ee Kurzawa uusan ka dhigi doonin in lagu iibsado qiimo jaban, inkastoo xaqiiqda ay tahay in qandaraaskiisa PSG uu dhacayo xagaagan.
Difaacan ayaa 123 kulan u saftay kooxda haysata horyaalka Faransiiska ee PSG tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Monaco sanadkii 2015-kii.
Gool FM.