(Paris), 21 Sebt 2016 –Laacibkii hore ee Faransiiska, Jerome Leroy oo mar ay qolka dhar bedeleshada wadaagi jireen isaga iyo laacibkii hore ee kooxda PSG, Ronaldinho ayaa u warramay ‘SFR Sport’, waxaana uu sheegay in Ronaldinho uu ahaa xiddig aan la gaari karin.
Leroy waxa uu sheegay inta uu ka xasuusto Ronaldinho xilligii ay ka wada ciyaarayeen PSG 2001-2003, waxaana uu yiri “Ronaldinho ma uusan tababaran jirin maalin walba isbuucii, Jimcaha ayuu Aalmiiteyn jiray, sabtigana diyaar ayuu u ahaa inuu ciyaaro”.
“Subax walba xarunta naadiga ayuu imaan jiray Ronaldinho, isagoo Ookiyaalo wata, kaddibna dharka ayuu iska beddeli jiray, wuxuuna toos u aadi jiray Sariirta Masaajka jirka loogu duugo kaddibna waa uu iska bixi jiray” ayuu sii raaciyay Leroy.
Ciyaaryahankii hore ee Faransiiska Leroy oo haatan 41 jir ah waxa uu sheegay in dhammaan ciyaartoyda PSG ay dareemeen caajiska Ronaldinho, balse nasiib wanaag uu ka tegay kooxda kuna biiray Barcelona xilli uusan Messi soo shaac bixin.
“Ronaldinho waxa xirfad ah ee uu leeyahay haddii uu in badan tababaran lahaa intaan wuu ka sii caansanaan lahaa, laakiin haddii aadan tababaran inta badan kulammada uma diyaar noqon kartid” ayuu sii raaciyay Leroy.
“Waxa uu ahaa xiddig weyn, ciyaartoyda nuuciisa oo kale ah ee hibada lehna xoogaa way waalan yihiin” ayuu ku soo geba gebeeyay.
Gool FM