Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

DEG DEG: Mid ka mid ah Shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub oo la soo af jaray

$
0
0

(Yurub) 28 Abril 2020 Ra’iisal-wasaaraha dalka Faransiiska ee Édouard Philippe ayaa ku dhowaaqay in guud ahaan dhacdooyinka ciyaaraha noocyadooda kala duwan laga joojiyay maanta oo Talaado ah illaa laga gaaro bisha September, xitaa garoomo xiran aanan lagu ciyaari doonin.

Xanuunka dunida ku faafay ee coronavirus ayaa sabab u noqday in ciyaaraha dunida oo dhan hakad la galiyo 12-kii Maarso, waxaana hubanti ahayn xilliga ay dunida ka bixi doonto xaaladda cabsida ah ee uu sababay xanuunkan.

Dalka Faraniiska ayaa dalalka Netherlands, Belgium iyo Argentina kula biiray waddamada joojiyay kubadda cagta xilli ciyaareedkan, maadaama aysan soo laaban karin inta lagu gudo jiro xagaaga.

“Xilli ciyaareedka 2019-20 ma sii socon karo,” ayuu yiri Ra’iisal-wasaaraha dalkaas galabta.

“Ma qabsoomi doonaan dhacdooyinka waaweyn ee ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, ka hor bisha September, xitaa albaabo xiran laguma ciyaari doono” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxaa la eegi doonaa saameynta uu go’aanka mudane Philippe ku yeellan doono kooxaha illaa hadda ciyaaraya tartanka Champions League, tusaale ahaan kooxda Olympique Lyonnais oo lugta labaad ee wareegga 16-ka la ballansan tartanka horyaalla Yurub.

Lyon ayaa lugtii hore ku adkaatay 1-0 kulankii Faransiiska ka dhacay, waxaana safarkoodii Turin uu baaqday kaddib markii Daniele Rugani uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Serie A oo coronavirus laga helay.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin in horyaalka ay kooxi qaadi doonto, kooxna ay laaban doonto ama kooxo qaar ay tartamada Yurub iska soo xaadiriyaan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles