Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Isku dhaca agaasimaha PSG iyo Kylian Mbappe oo sabab u noqday in laacibka Faransiiska uu shuruud ku xiro heshiis kordhintiisa

$
0
0

(Paris) 06 Maaajo 2020. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inay xurguf kala dhaxeyso agaasimaha kooxdaas ee Leonardo, sidoo kalena uusan ku faraxsanayn qaabka ay u socdaan wada hadallada qandaraas kordhinta, sida ay warineyso majaladda AS.

Arrintaas ayaa saldhig u noqotay in Mbappe uu dalbado in haddii uu heshiis cusub uu u saxiixayo PSG, heshiiska lagu daro qodob muujinaya qiimaha heshiiskiisa lagu jabin karo.

Waxaa la rajeynayaa in Mbappe uu qalinka ku duugi doono heshiis cusub balse ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa ku adkeysanaya in heshiiska cusub ee uu saxiixi doono lagu daro lacag cayiman oo qandaraaskiisa lagu jabin karo.

Qiimo walba oo ay kooxda reer France ku xusto in lagu jabin karo qandaraaska 21-jirkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka sarreyn doono qiimihii rikoorka ahaa ee uu Neymar Jr kaga dhaqaaqay Barcelona xagaagii 2017  xilligaas oo PSG ay kula saxiixatay 198 milyan oo gini.

Kooxda horyaalka Ligue 1 heysata ayaa la fahansan yahay inay ku faraxsan tahay in heshiiska lagu xuso qiimo lagu jabin karo mustaqbalka maadaama aysan ka fursan karin, waxaana ay ku hubsanayaan sii joogista Mbappe.

Laacibkan qudhiisa ayaa daneynaya heshiis cusub maadaama uu ku heli doono mushahar xooggan, waxaana majaladda Faransiiska ka soo baxda ee L’Equipe ay warineysaa inay PSG 600,000 oo gini ay toddobaadkii faraqa ugu shubi doonto marka uu saxiixo heshiiska cusub.

Tani waxay dhabar jab ku noqoneysaa kooxda Real Madrid oo rajeyneysay in saxiix kale oo wayn ay ka dhigto weeraryahankan kaddib saxiixii xagaagii hore ay Chelsea kaga soo qaateen Eden Hazard.

Heshiiska uu Mbappe kula jiro kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhici doono 2022, waxaana qorshaha Florentino Perez uu yahay in saxiixa xiddigan uu u dhaqaaqo marka ay hal sano ka harsan tahay heshiiskiisa, taasoo ay u wacan tahay rajada uu ka qabo lacagta lagu heli karo inay hoos u dhacdo.

Haddii laacibka Faransiiska ah uu heshiis cusub la galo kooxdiisa, misena labo sano illaa saddex sano uu ku kordhiyo, waxaa hubanti ah in qiimihiisa uu sare u kici doono, taasoo ka dhigan in Madrid ay ka quusan doonto damaceedii saxiixa laacibkan.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa dhowaanahan lala xiriirinayay Mbappe, hase ahaatee, Jurgen Klopp ayaa horraan carrabka ku dhuftay inay isaga daynayaan saxiixiisa maadaama uu qaali yahay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles