(Manchester) 11 Maajo 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si dhow isha ugu heyso xaaladda weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani ka hor inta aysan u dhaqaaqin suuqa xagaagan.
33-sano jirkaan ayaa umuuqda inuu ka tagayo garoonka Parc des Princes dhammaadka xilli ciyaareedkan haatan socda, markaasoo qandaraaskiisa kooxda heysata horyaalnimada Faransiiska uu dhacayo.
Kooxo ka kala dhisan Yurub iyo Koonfurta Ameerika ayaa loo aqoonsaday inay xiiseynayaan xiddigan, Jariiradda Manchester Evening News ayaa sheegeysa inay Man United sidoo kale isha ku heyso isaga.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa markale saxiixa weeraryahan cusub mudnaanta koowaad siinaya suuqa kala iibsiga xiddigaha, isagoo ku xaddidan kaliya heshiiska amaahda ee uu soo qaatay Odion Ighalo bishii Janaayo.
Heshiiska joogtada ah ee Ighalo ayaa wali ah xulasho, halka Man United sidoo kale la la xiriiriyay Moussa Dembele iyo Lautaro Martinez, Cavani ayaana loo arkaa inuu yahay xulasho kale oo aan ku kici doonin qiimo maadaama lagu heli karo beeca xorta ah suuqa kala iibsiga.
Xiddiga xulka qaranka Uruguay ayaa u arkay inuusan waqtiga badan oo uu ku ciyaaro ku haysan Kooxda PSG xilli ciyaareedkan, laakiin waa gooldhaliyaha guud ee kooxda ugu goolasha badan isagoo dhaliyay 200 oo gool 300 oo kulan oo uu ciyaaray.
Si kastaba ha noqotee, waxaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu ka ciyaaro Tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda haddii uu doorto inuu ku sii nagaado Yurub, iyadoo Manchester United ay weli dagaal ugu jirto inay u soo baxdo tartankaas.
Gool FM.