Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Ander Herrera oo ka hadlay haddii Neymar iyo Mbappe ay ku farraxsan yihiin Kooxda PSG

$
0
0

(Paris) 11 Maajo 2020. Neymar iyo Kylian Mbappe waxaa ka go’an oo ay heegan ugu jiraan inay sii joogaan Paris Saint-Germain, iyadoo Ander Herrera uu biyo qabow ku shubtay wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga oo ku aaddan labadaan xiddig.

Herrera waxa uu shaaca ka qaaday in Neymar Jr iyo Kylian Mbappe ay ku farraxsan yihiin kooxda xafidanaysa horyaalka Ligue 1 ee dalka Faransiiska.

Xiddiga PSG ee Neymar ayaa la la xiriirinayey inuu dib ugu laaban doono kooxda haysata horyaalnimada La Liga ee Barcelona, halkaasoo uu ku soo qaatay saddex sanadood inta aan looga soo qaadan lacag rikoorka Adduunka ah oo dhan 222 milyan oo euro.

Dhanka kale Mbappe ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu doonayo kooxda awoodda leh ee Real Madrid, halkaasoo Tababare Zinedine Zidane uusan qarinin xiisaha uu u hayo xiddigan.

Haddaba ciyaaryahanka ay ka wada tirsan yihiin Kooxda PSG ee Herrera ayaa rumeysan in labadaan laacib ay ku farraxsan yihiin kooxda haysata horyaalka Ligue 1 ee ka dhisan Magaalada Paris.

“Mbappe iyo Neymar wali waxay ku sugan yihiin PSG, waxayna xitaa ka sii badan yihiin xaaladda aan hadda ku jirno,” Herrera ayaa sidaas u sheegay COPE.

“Waxaan casho la qaatay Neymar k ahor karantiil, si fiicanna wuu ugu lug leeyahay mashruuca, wuxuu ii sheegay in uusan waligiis sidan oo kale ugu faraxsanayn Magaalada Paris.

“Mashruuca PSG waa mid sidaasi ah oo labadooduba ay dareemayaan inay ku dhammaystaan Paris.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles