(Lyon) 11 Maajo 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay markaan diiradda saaratay xiddig khadka dhexe uga dheela naadiga reer France ee Lyon.
Jariiradda AS ee ka soo baxda dalka Spain ayaa warianya in laacibka khadka dhexe ee kooxda Lyon, Bruno Guimaraes uu diiradda u saaran yahay naadiga Barcelona.
Atletico Madrid ayaa isku dayday saxiixa xiddigan 22-sano jirka ah bishii Janaayo, laakiin wuxuu doortay inuu ku sii nagaado garoonka Groupama Stadium.
Kooxda Barca ayaa qarka u saaran inay tijaabiso nasiibkeeda ku aaddan Bruno Guimaraes marka suuqa kala iibsigu dib u furmo, iyadoo la dhacsan qaab ciyaareedkiisa Naadiga Lyon ee xilli ciyaareedkan.
Gool FM.