Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

War cusub oo ka soo baxaya xaaladda Neymar Jr & Dib ugu laabashadiisa Kooxda Barcelona

$
0
0

(Paris) 12 Maajo 2020. Neymar ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Paris Saint-Germain inuusan dooneynin inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda, isla markaana uu rabo inuu ku biiro Barcelona.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa abid markii uu Camp Nou kaga soo dhaqaaqay garoonka PSG ee Parc des Princes isagoo heshiiskiisa uu dhacayo 2022-ka.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jiray shaki weyn oo ku aaddan mustaqbalkiisa tan iyo markii ay jireen warar dhowr ah oo la xiriirinayey inuu ku laabanayo Spain, Barcelona ayaa weli xiiseyneysa inay dib ula soo saxiixato si ay dib ugu midoobaan xiriirkii ‘MSN’ ee ay wada lahaayeen Messi, Suarez iyo Neymar.

Warar dhowaan soo baxayay ayaa sheegayay in Neymar uu u sii furnaa sii joogitaankiisa caasimadda Faransiiska, laakiin Wargeyska Sport  ayaa warinaya inuu dalban doono xagaagan, isla markaana uu diido isku day kasta oo ku xiraya inuu heshiis cusub u saxiixo.

28-sano jirkan ayaa qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa 2022, laakiin PSG ayaa ka warqabta in qiimaha kala iibsiga uu hoos ugu dhacayo sanad walba oo dhaafa sidaas darteedna ay ka fiirsan karaan inay iska iibiyaan.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in kooxda heysata horyaalka Faransiiska ay mudnaanta siineyso mustaqbalka Kylian Mbappe, kaasoo qandaraaskiisu uu dhacayo 2022-ka.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan ayaa kooxda PSG u saftay 52-kulan isagoo u dhaliyay 47-gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles