(Liverpool) 21 Juun 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay ka cabsi qabto inay lumiso Weeraryahankeeda sare ee Sadio Mane.
Weeraryahankan reer Senegal ee Mane waxaa xiiseynaysa Kooxaha Real Madrid iyo PSG oo ka kala dhisan dalalka Spain iyo France.
Wargeyska The Sun ayaa daabacay in Liverpool ay ka baqdin qabo inay lumin karaan Weeraryahankooda muhiimka ee Sadio Mane.
Dhaliyaha xulka qaranka Senegal ayaan weli heshiis cusub u saxiixin kooxda ka arrimisa garoonka Anfield, inkastoo heshiiskiisa haatan ee Reds ay kaga harsan tahay muddo sagaal bilood ah.
Kooxda Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa si weyn loola xiriirinayaa Sadio Mane, kuwaasoo lacag xoog leh ku baadi-goobaya, haddii uu ka tagayo Liverpool, waxaa la rumeysan yahay inuu ku biiri doono Los Blancos ama PSG midkood.
Gool FM.