(Manchester) 22 Juun 2020. Sida la xaqiijiyey ciyaaryahankii hore ee Kooxaha Manchester United iyo Southampton, Morgan Schneiderlin ayaa tijaabada caafimaad u maray koox cusub oo uu ku biirayo.
Laacibka khadka dhexe ee Everton, Morgan Schneiderlin ayaa ka gudbay tijaabada caafimaad oo uu u maray kooxda Nice, waxaana dhaqaaqiisa dhanka Faransiiska oo aad u dhow ka dhimman kaliya in la xaqiijiyo.
Schneiderlin ayaa qandaraas kula jira kooxda Toffees 12 bilood oo dheeri ah, laakiin waxa uu saftay kaliya 18 kulan xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inuu go’aansado inuu dib ugu laabto dalkiisa Faransiiska.
Agaasimaha ciyaaraha ee Kooxda Nice, Julien Fournier ayaa xaqiijiyey in heshiiska laacibkan uu aad u dhow yahay.
Isagoo dhowaan hadlayey waxa uu yiri Julien Fournier: “Waxa uu saxiixi karaa heshiiska maanta oo Isniin ah, isagu waa uu ka gudbay tijaabada caafimaadka, waxaan sugeynaa saxiixa Everton.”
Gool FM.