(Yurub) 09 Agoosto 2020. Kaddib markii xalay uu dhameystirmay isku aadka siddeed dhamaadka Champions League, halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay kooxaha isugu soo hari doono kulanka finalka ee tartankan.
Kulamada wareega siddeed dhamaadka ayaa waxay kooxaha isku arki doonaan Atlético Madrid vs RB Leipzig – Paris Saint-Germain vs Atlanta -Manchester City vs Lyon iyo Bayern Munich vs Barcelona.
Haddaba Rio Ferdinand ayaa rajeynaya in Bayern Munich ay ku wajihi doonto Paris Saint-Germain finalka Champions League dhamaadka bisha August.
In kasta oo Manchester City ay si fiican oo la yaab leh ku soo reebtay Real Madrid, haddana Ferdinand wuxuu aaminsan yahay in Bayern ay ku reebi doonto City wareega afar dhamaadka.
Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Rio Ferdinand waxaana uu yiri:
“Waxaan rabaa in Paris Saint-Germain ay gaarto finalka sababa la xiriira inay heysato ciyaartooy fiican sida Kylian Mbappé iyo Neymar Jr”.
“Waxaan u maleynayaa in kooxda kale ay noqon doonto Bayern Munich, sababa la xiriira qaab ciyaareedkoodii wanaagsanaa ee xilli ciyaareedkan”.
Dhinaca kale xiddigii hore kooxda Manchester United ee Owen Hargreaves ayaan meesha ka saarin in Manchester City iyo Pep Guardiola ay heystaan fursad weyn wuxuuna yiri:
“Xaqiiqdii Manchester City waxa ay heysataa fursad, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican tartanka haatan, laakiin waxaan u maleynayaa inay Bayern sidoo kale ay sameyneyso bandhig weyn”.
Gool FM.