(Paris) 11 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta PSG ee ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa u saftay Magaalada Lisbon ee dalka Portugal ka hor kulankeeda ay halkaas ku ciyaari doonto ee Champions League.
Naadiga PSG ayaa habeen dambe kulan ka tirsan Champions League waxa ay la ciyaari doonaan naadia Atalanta ee dalka Talyaani ka socota.
Kaliya 24 saacadood ka hor kulanka ay wajahayaan Atalanta ee siddeed dhammaadka Champions League, waxa ay Kooxda PSG u duushay dalka Portugal.
Laakiin warka aan u wanaagsanayn kooxdaas ayaa ah in Marco Verratti uusan u ciyaari doonin kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska kulanka habeen dambe ee UCL.
Marco Verratti ayaa la safray xiddigaha kale ee kooxda, laakiin waxa ay warinayso shabakadda Goal.com, ciyaaryahankan ayaa sababo dhaawac ku seegi doona kulanka habeen dambe ee Champions League.
Dhaawaca uu Marco Verratti ku seegayo kulanka ay wajahayaan Atalanta ayaa lagu sheegay inuu yahay mid ka soo gaaray kubka intii lagu guda jiray tababarkii kooxdu ay isugu diyaarinaysay kulankaas.
PSG have arrived in Lisbon!
It’s just over 24 hours until they face Atalanta in their Champions League quarter-final pic.twitter.com/vw2s8qhQrw
— Goal (@goal) August 11, 2020
SAWIRRO:
Gool FM.