(Lisbon) 23 Agoosto 2020. Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Hans Flick ayaa sheegay inuu ka war qabo qatarta kaga imaan karta weerarka naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.
Laakiin Hans Flick ayaa wuxuu xaqiijiyay inuusan ku fikireyn inuu wax badan ka bedelo qorsho ciyaareedka kooxdiisa Bayern Munich inta lagu jiro kulanka caawa ee finalka Champions League.
Kulan adag oo ah kama dambeysta tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2019-20 ayaa caawa waxa uu dhxmarayaa Kooxaha PSG iyo Bayern Munich.
Garoonka The Estadio da Luz ayaa caawa marti gelinaya Final-ka Champions League 2019-20, kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo markeedii ugu horreysay iska xaadirisay Final-ka tartankan ayaa qaabilaysa Kooxda reer Jarmal ee shanta goor ku guuleysatay koobka ee Bayern Munich.
Haddaba mar uu hadlayay macalinka reer Germany ayaa wuxuu yiri:
“Waxaan gaar ku nahay adeegsiga daafaca horumarsan, waxa ugu muhiimsan ayaana ah in culeyska la saaro kubadda, marka ay kooxda naga soo horjeeda u soo dhaqaaqdo dhankeena, waa inaan u soo laabanaa gadaal”.
“Waxaan dib u daawaday muuqaalo laga soo qaaday kulankii Lyon iyo sidoo kale ciyaartii Barcelona, waxaana muhiim ah la xiro meelaha hortooda ah si aysan u helin fursad ay kubadda ku gudbiyaan, waan ognahay in Paris Saint-Germain ay leedahay xawaare sare”.
“Waa inaan ka taxadirnaa hortooda, laakiin tobankii bilood ee ugu dambeysay waxaan ku guuleysanay inaan soo celino falsafadeena gaarka ah, waxaan hirgelinay cadaadis aad u sareeya waxaanan ku guuleysanay arintan mana sameyn doono isbedelo badan”.
Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Hans Flick ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:
“Jérôme Boateng wuxuu maanta sameyn doonaa tababar, waxaan doonayaa inaan sugo ilaa iyo tababarka u dambeeya si go’aan looga gaaro ka qeyb galkiisa kulankan”.
“Waxaan rajaynayaa in Boateng uu si buuxda ugu diyaar garoobay, hadii ay dhacdo in uuna awoodin in uu ka qayb qaato, waxaa badelkiisa ka qeyb gali doona Niklas Süle”.
Gool FM.