(Lisbon) 23 Agoosto 2020. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa sheegay inuu ugu biiray PSG, si uu ugu guuleysto tartanka xiisaha badan ee Champions League.
Garoonka The Estadio da Luz ayaa caawa marti gelinaya Final-ka Champions League 2019-20, kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo markeedii ugu horreysay iska xaadirisay Final-ka tartankan ayaa qaabilaysa Kooxda reer Jarmal ee shanta goor ku guuleysatay koobka ee Bayern Munich.
Mbappé ayaa u soo dhaqaaqay kooxda Paris Saint-Germain xagaagii 2017, wuxuu kaga soo biiray naadiga Monaco, kaddib wuxuu noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee PSG iyo guud ahaanba adduunka.
Kylian Mbappé oo ka soo muuqday shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor ciyaarta caawa dhex mari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa wuxuu ku sheegay:
“Tani waa sababta ugu weyn ee aan ugu biirey Paris Saint-Germain, waxaan mar walba sheegaa inaan xiiseynayo inaan taariikh ka sameeyo kubadda cagta faransiiska”.
“Waxaan haatan fursad uheystaa inaan sidaas sameeyo finalka Champions League, nasiib darro badan kadib, waxaan hada ku jirnaa finalka, waxaana muujinay inaan waligeen quusan doonin”.
“Tani waxay ahayd howsheydii ugu weyneyd kaddib markii aan ku soo biiray kooxda Paris Saint-Germain, taas oo ah inaan ku guuleysto Champions League”.
Gool FM.