(Lisbon) 24 Agoosto 2020. Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa muujiyay sida uu ugu xun yahay inay ku guuldarreysteen koobka UEFA Champions League, kaddib guuldarradii ay kala kulmeen naadiga Bayern Munich.
Bayern Munich ayaa markeedii LIXAAD ee taariikhda ku guuleysatay koobka Champions League, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga qaaday kooxda Paris Saint-Germain 0-1, kulankii fiinalka ahaa ee ka dhacay garoonka The Estadio da Luz.
Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaan ku muujin qaab ciyaareedkii laga doonayay ciyaartii xalay ee finalka Champions League, inkastoo xilli ciyaareedkan uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan caadi aheyn.
Kylian Mbappe ayaa rajeynayey inuu ku hoggaamiyo Paris Saint-Germain inay ku guuleystaan koobkooda ugu horeeyay Champions League ee taariidkha kooxda, laakiin taasi ma aysan u suurtogalin, maadaama nasiibka uu u hiiliyay Bayern Munich.
Mbappé ayaa ciyaarta kaddib wuxuu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka:
“Waxaa jira wax laga xumaado ee ah in xilli ciyaareedka uu ku dhammaado anagoon ku guuleysan koobkii ugu fiicnaa, laakiin nolosha waa sidan, waxaan ku dagaalanay awoodeena oo dhan”.
“Hambalyo Bayern Munich, sidoo kale waxaan idiinkaga mahadcelinayaa taageerida aad ka geysateen hal abuurkan”.
Waxaa xusid mudan in Kylian Mbappe uu ciyaaray 37 kulan tartamada kala duwan xilli ciyaareedkan, wuxuuna u suurtashay inuu dhaliyo 30 gool isla markaana uu sameeyo 19 gool caawin kale, wuxuuna sidaas kaga qeyb qaatay 49 gool.
Gool FM.