(London) 24 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay todobaadkan dhammaystirayso saxiixa kabtankii kooxda Paris Saint-Germain ee Thiago Silva.
35-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa garoonka Parc des Princes uu dhammaadya kaddib markii uu kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray kooxda PSG xalay ciyaartaasoo ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Bayern Munich oo koobkii Champions Leaguena laga qaaday.
Thiago Silva oo doonaya inuu si deg deg ah u helo koox cusub ayaa la warinayaa inuu todobaadkan heshiis cusub qalinka ugu duugi doono Blues, isla markaana uu xagaagan ka mid noqon doono xiddigaha u dhaqaaqaya garoonka Stamford Bridge.
Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa lambarrada uu Silva u qaadan karo kooxda Chelsea ee ka dhisan Galbeedka Magaalada London:-
Lambarka 2-aad ayaa haatan waxaa xirta Antonio Rudiger oo Chelsea jooga, iyadoo xiddiga reer Jarmal aan la fileynin inuu ka tago xagaagaan Blues, macquulna uma ahan in Silva la siin doono lambarka ah dooqa uu jecel yahay.
Xiddiga reer Brazil ayaa mararka qaar xirtay Lambarka 12-aad intii uu joogay Caasimadda Faransiiska, laakiin sidoo kale haatan waxaa lambarkaas ku ciyaaraa oo u xiran Chelsea, ciyaaryahan Ruben Loftus-Cheek.
Kahor inta uusan u dhaqaaqin kooxda PSG, Silva wuxuu ku ciyaaray lambarka 33-aad oo uu u qaatay AC Milan, lambarkaasna waa uu u qaadan karaa kooxda ku dheesha garoonka Stamford Bridge, maadaama Emerson Palmieri oo lambarkaan xirnaa uu ku qasbanaaday inuu baxo xagaagaan.
Marcos Alonso ayaa sidoo kale la la xiriiriyay bixitaan, isla markaana lambarkaas 3-aad waa lambarkiii uu xiran jiray Silva intii lagu jiray muddadii koobnayd ee uu joogay Kooxda Fluminense bilowgii xirfaddiisa ciyaareed.
Lambarrada kale ee ka bannaan garoonka Stamford Bridge ayaa ah lambarrada 25 iyo 26 oo ay horay u xirteen halyeeyada kooxda Chelsea ee Gianfranco Zola iyo John Terry.
Gool FM.