Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

France Football oo ka jawaabtay sababtii Hazard iyo Benzema uga reebtay 30 u sharraxan Kubadda Dahabka 2016

$
0
0

le-trophee-du-ballon-d-or-football_87d0e6fb22bdc9161bdd88b5dd24ff11

(Paris), 25 Okt 2016   –Wargeyska France Football ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen Jamaahiirta Kubadda Cagta, taasoo ku saabsan sababta Liiska 30 Musharrax ee Abaalmarinta Kubadda Dahabka ‘Ballon d’Or 2016’ ee ay dhowaan soo bandhigeen ay uga reebeen Xidigga kooxda Chelsea, Eden Hazard iyo Weeraryahanka Faransiiska iyo Real Madrid Karim Benzema.

Jariidaddu waxa ay xustay in sababta ay Hazard uga reebtay tartamayaasha Kubadda Dahabka sanadkan ay tahay maadaama mustawihiisa ciyaared uu yahay mid isbed-bedel badan.

“Mustawaha ciyaareed ee Hazard marba waa si, in laga saaro liiska musharrixiintana waa xaalad dareenkeeda leh, maxaa yeelay Ma uusan soo bandhigin qaab ciyaareed loo riyaaqo xulka Belgium Koobkii Qarammada Yurub 2016, kaddib Xulka Belgium oo kaalinta 22′ ka galay xulalka Caalamka 2013, kaalinta 21′ galay sanadkii 2014 iyo kaalinta 8′ oo uu Belgium-ku ka galay qiimeynta xulalka 2015′ haatan Hazard wuxuu ka soo bilaabayaa eber (zero” sidaa waxaa taageerayaasha u bidhaamiyay Wargeyska France Football.

Benzema ayaa isna sida wargeysku sheegay waxa uu ku waayay ka mid noqoshada tartamayaasha Ballon d’Or, maadaama uusan ka qayb gelin Koobkii Qarammada Yurub 2016 ee lagu qabtay Faransiiska.

“Dhammaanteen waan wada ognahay sababta Liiskan uusan ugu jirin Benzema, maxaa yeelay ma aanan ku arag Koobkii Euro 2016, ka maqnaanshaha tartan sidaasi u weynna waxay saameyn weyn ku yeelanaysaa musharraxnimadiisa kubadda Dahabka” ayaa lagu qoray France Football.

Dhinaca kale gari laba nin kama wada qoslisee rag badan oo caan ah ayaa laga waayay liiskan 30 ciyaartooy ee musharrixiinta FIFA Ballon d’or 2016, waxaana ragga la tabay ka mid ah; Alexis Sanchez (Arsenal), Mesut Ozil (Arsenal), Leonardo Bonucci (Juventus), Jerome Boateng (Bayern Munich) iyo Ivan Rakitic (Barcelona).

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles