(Paris) 06 Seb 2020. Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappé ayaa cadeeyay waxa ay u baahan tahay kooxdiisa Paris Saint-Germain si ay ugu guuleysato koobka Champions League.
Kylian Mbappé ayaa wareysi uu ku bixiyay Channel-ka “TF1” wuxuu ku sheegay waxa ay u baahan tahay PSG, si ay ugu guuleysato koobka Champions League, wuxuuna yiri:
“Guuldarada kulankii Finalka ahaa ee Champions League ee aan la ciyaarnay Bayern Munich waa murugo, iyo niyad jab aan la soo koobi Karin, laakiin waa inaan wax ka qabanaa xaqiiqdii”.
“PSG xaqiiqdii wax badan ayey horumar sameysay maadaama aan u soo baxday finalka, kaddib markii aan in badan ku soo dhibtoonay si aan u gaarno wareega 8-da”.
“Laakiin waxaa jira kooxo laga badiyo kulanka ugu dambeeya isla markaana ku guuleysta koobka sanadka xiga”.
Kylian Mbappé oo sheegay waxa ay u baahan tahay Paris Saint-Germain si ay ugu guuleysato Champions League ayaa wuxuu yiri:
“Waxaan u baahanahay heshiisyo wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan soo iibsano ciyaartoy cusub, waxaan rajeynayaa inaan soo gabagabeyn karno heshiisyo gaar ah”.
Si kasta oo ay tahayba, Paris ayaa soo bandhigtay xilli ciyaareed cajiib ah, waxayna gaartay finalka Champions League, laakiin waxay guuldarro 1-0 ah kala kulantay Bayern Munich.
Gool FM.