(Lyon) 03 Okt 2020. Warbaahinta Faransiiska ayaa xaqiijisay galabnimadan Sabtida ah in kooxda Lyon oo uu hogaaminayo madaxweynaheeda Jean-Michel Aulas ay go’aamiyeen mustaqbalka xiddigaha kala ah Memphis Depay iyo Houssem Aouar.
Memphis Depay ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Barcelona xagaagan si uu ugu noqdo badelka Luis Suarez kaas oo ka tagay kuna biiray naadiga Atletico Madrid.
Dhinaca kale xiddiga khadka dhexe reer France ee Houssem Aouar ayaa maalmihii la soo dhaafay la hadal haayey inuu u dhaqaaqayo Arsenal, xilli kooxda reer England ay ka gudbisay laacibkan dalab rasmi ah.
Radio Monte Carlo oo aad loogu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in kooxda Lyon ay go’aansatay inay heysato xiddigaheeda Memphis Depay iyo Houssem Aouar, isla markaana aysan iska fasaxin inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, si kasta oo dalab looga soo gudbiyo.
Kooxda Lyon ayaan helin wax dalab oo soo jiidasho leh ay ku ogolaan karto inay ku fasaxdo Memphis Depay ama Houssem Aouar, xilli sidoo kale Arsenal ay ku guuldarreysatay inay miiska saarto qiimaha laga codsaday si ay ula saxiixato laacibka khadka dhexe ee reer France.
Gool FM.