(Paris) 09 Nov 2016 Kooxda PSG ee dalka France ayaa bilowday raadinta badalka laacibka reer Spain ee Jese Rodriguez kaas oo ku biiray suuqii xaggaaga.
Tababare Unai Emery ayaan ilaa haatan la dhicin qaab ciyaareedka weerar yahankii hore ee kooxda Real Madrid kaas oo ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo kooxda reer France.
Shabakada Fichajes ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday in kooxda PSG ay doonayso laacibka kooxda Atletico Madrid ee Yannick Ferreira Carrasco.
PSG ayaa diyaar la ah lacag dhan 100 milyan oo euro si ay ugu qanciso dhigeeda Atletico Madrid inay ka iibiso laacibka reer Belgium kaas oo ay u arkaan badalka Jese Rodriguez.
Carrasco ayaa waqti dhaw heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa kaas oo ku eg ilaa 2022, qandaraaskiisa Atletico ayaana lagu burburin karaa 100 milyan oo euro.
Gool FM