(Toulouse), 10 Nof 2016 –Kaddib markii Haweeneydii ugu horreysay ee u tartantay Madaxtinimada Mareykanka Hillary Clinton laga guuleystay dorraad ayaa waxaa arrintaasi ay niyad jab ku abuurtay malaayiin taageerayay haweeneydaasi oo u badnaa Dumar uu guusha ka helay Donald Trump.
Haddaba kooxda Toulouse FC ee ka ciyaarta Horyaalka Ligue 1 Faransiiska ayaa magangalyo siyaasadeed u ballan qaadday Fanaanadda caanka ah ee Beyonce oo iyadu qayb ka ahayd tartankii musharraxnimadii Hillary Clinton.
Toulouse FC ayaa farriin ay Twitter-ka soo dhigtay waxay u qornayd sidatan; “Waa ku salaanay Beyonce, waxaa la joogaa waqtigii aad isaga soo tegi lahayd Mareykanka, Boqortooyadaada cusub waa Garoonkeenna, sidaa darteed waa kan tikidhkaagii ciyaaraha xilli ciyaareedka 2016-17 oo dhan, kaalay imoow oo nagula dabaal deg sanad guuradii 80′ ee dhalasheedanna”.
Kooxda Toulouse waxay Beyonce u diyaarisay Qasri ay ku raaxeysato haddiiba ay go’aansato in ay codsigan ka jawaabto.
Dhinaca kale intii aan la shaacin madaxweynaha cusub ee Mareykanka waxaa shaqsiyaad caan ah oo Mareykanka ah ay ballan qaadeen in haddii Trump uu guuleysto ay waddanka Mareykanka isaga haajiri doonaan oo ay u guuri doonaan Canada, Australia iwm.
Gool FM
Hi @Beyonce
The time to leave has come. Your new kingdom is our Stadium! Here’s your season pass, come celebrate our 80th BDay with us! pic.twitter.com/K2TzflcFeS— Toulouse FC Officiel (@ToulouseFC) November 9, 2016