(Paris) 26 Dis 2020. Macallin Mauricio Pochettino ayaa lagu wadaa in loo magacaabo xilka tababarennimo ee kooxda Paris Saint-Germain kaddib markii xilkaasi laga buriyey macallinkii hoggaaminayey ee Thomas Tuchel.
Wargeyska “The Sun” ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa warinaya in Mauricio Pochettino uu bartilmaameedkiisa ugu horreeya ka dhigan doono ciyaaryahanka kooxda Tottenham ee Dele Alli haddii uu qabto shaqada PSG.
Alli ayaa ka mid ahaa xiddigihii cajiibka ahaa ee ka hoos ciyaarayey hoggaamiyaha reer Argentine waqtigii uu joogay Tottenham, laakiin hadda ayuu laacibka reer England hoos uga dhacay xilli ciyaareedkan xulashada Tababare Jose Mourinho.
Dhinaca kale Warsidaha Le Parisien ayaa warinaya in Macallin Mauricio Pochettino uu doonayo inuu ka shaqeeyo sidii uu ula soo wareegi lahaa Lionel Messi oo uu u keeni lahaa kooxda Ligue 1 haddii uu tababare u noqdo kooxda reer France.
Macallinka reer Argentine ayaa qarka u saaran in la xaqiijiyo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee PSG, kaddib markii la cayriyey tababaraheedii Thomas Tuchel, waxaana la filayaa in haddii uu noqdo macallinka cusub ee kooxda reer France uu marka ugu horreysa la soo wareego Dele Alli kaddibna uu PSG ku soo biiro xiddiga ay isku dhalashada yihiin ee kabtanka u ah Barcelona, Lionel Messi.
Gool FM.