Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

RASMI: Kooxda Paris Saint-Germain oo ugu dambeyn xaqiijisay inay cayrisay tababaraheedii Thomas Tuchel

$
0
0

(Paris) 29 Dis 2020. Paris Saint-Germain ayaa ugu danbeyntii xaqiijisay ceyrinta Tababaraheedii Thomas Tuchel ku dhawaad ​​hal isbuuc kaddib markii ay soo baxday inay kala tabayaan.

Tuchel ayaa laga saaray doorkiisa kaliya afar bilood kaddib markii uu ku hoggaamiyay kooxda Ligue 1 ka ciyaarta final-ka Champions League, waxaana la filayaa inuu si dhaqso ah u bedelo booskiisa Tababarihii hore ee Tottenham, Mauricio Pochettino.

47-sano jirkaan ayaa ka tagay PSG saacado kaddib guushii cusleyd ee ay ka gaareen Strasbourg Arbacadii isla markaana uu hantay horyaallo isdaba joog ah iyo sidoo kale koobabkii Coupe de France iyo Coupe de la Ligue.

Thomas Tuchel ayaa horay u sheegay in markii uu kooxda PSG ku hoggaamiyey Final-ka Champions League oo ay ka qaaday Bayern Munich uusan naadiga reer France ka helin ammaantii uu mudnaa, taasoo haatan keentay in Albaabka loo tilmaamo.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Thomas Tuchel iyo shaqaalihiisa dhammaan wixii ay ku soo kordhiyeen kooxda” ayuu yiri Nasser Al-Khelaïfi oo ah guddoomiyaha iyo Agaasimaha guud ee Kooxda Paris Saint-Germain.
“Tamar badan iyo xamaasad ayuu galiyay shaqada, dabcan waan xasuusan doonaa waqtiyadii wanaagsanaa ee aan isla wadaagnay, waxaan u rajeynayaa wanaag dhammaan mustaqbalkiisa.”

Thomas Tuchel ayaa noqday Macallinka PSG bishii July ee sanadkii 2018-kii, isagoo maamulay kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiks 127 kulan tartammada oo dhan, waxa uu guulo la gaaray naadiga 95 kulan, waxa ay mudadaas barbaro galeen 12 kulan, iyagoo la kulmay 20 guuldarro, waxa ay dhaliyeen mudadaas 342 gool, waxaana laga dhaliyey 109 gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles