Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

SHAX laga sameeyey 11-ka ciyaaryahan ee ugu fiican, kuwaasoo wadar ahaan ku qiimeysan 462 milyan oo euro haddana si bilaash ah ku bixi kara xagaaga

$
0
0

(Yurub) 02 Jan 2021. Bilowga sanadka cusub wuxuu la macno yahay bilowga muddada ay ciyaartoyda qandaraaskoodu dhacayo ayna xor u yihiin inay bilaabaan inay la hadlaan kooxaha kale si ay ugu biiraan.

Waxa jira dhowr xiddig oo beeca xorta ah lagu heli karo, waxaana laga sameeyey shax ka kooban 11 ciyaaryahan, waana 11-ka laacib ee loo arko inay yihiin kuwa ugu fiican welibana si bilaash ah lagu heli karo xagaaga.

Sida laga soo xigtay Shabakadda arrimaha Suuqa kala iibsiga ee Transfermarkt, qiimaha 11-kaan ciyaaryahan oo la isku daray waa 462 milyan oo euro, welina si bilaash ah ayay ku bixi karaan xagaaga.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda laga sameeyey 11-ka xiddig ee ugu fiican kuwaaso si bilaash ah lagu heli karo:-

Goolhaye: Gianluigi Donnarumma (60 milyan oo euro)

21-sano jirkaan ayaa ka dhaxli doona Gianluigi Buffon xulka qaranka Talyaaniga, laakiin mustaqbalkiisa AC Milan ayaan weli kala caddeyn.

Dadabka Midig: David Alaba (65 milyan oo euro)

Alaba kaasoo  sidoo kale ka ciyaari kara daafaca dhexe ayaa qarka u saaran inuu ka tago Kooxda Bayern Munich suuqa xagaaga.

Daafac Dhexe: Sergio Ramos (14 milya oo euro)

Kabtanka Real Madrid ayaa kaliya lix bilood uga harsan tahay qandaraaskiisa haatan, taasoo wal wal ku haysa taageerayaasha Kooxda Los Blancos.

Daafac Dhexe: Eric Garcia (20 milyan oo euro)

19-sano jirkaan ayaa ah ka mid ah xiddigaha daafaca dhexe ee loogu doonista badan yahay kubadda cagta Yurub, laakiin heshiis cusub uma uusan saxiixin kooxdiisa haatan ee Manchester City.

Dadabka bidix: Juan Bernat (16 milyan oo euro)

Kaddib markii uu labo sano ku qaatay Kooxda PSG, mustaqbalka Bernat ayaa ee kooxda reer France ayaa shaki ku jiraa, waxaana laga yaabaa inuu ka tago garoonka Parc des Princes.

Garab weerar: Memphis Depay (45 milyan oo euro)

Kaddib markii u dhaqaaqistiisii Barcelona ay fashilantay inuu dhankooda maro xagaagii, Depay ayaa kaga tagi kara kooxda Lyon si bilaash ah suuqa xagaaga ee 2021.

Khadka dhexe: Georginio Wijnaldum (40 milyan oo euro)

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay heshay dalab laga soo gudbiyey Wijnaldum, laakiin weli kama uusan jawaabin laacibku.

Khadka dhexe: Hakan Calhanoglu (35 milyan oo euro)

Waxaa laga yaabaa inuusan lahayn magaca qoyska oo weyn sida qaar ka mid ah ciyaartoyda kale, laakiin Calhanoglu waa mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo isla markaana aan heshiis cusub la gaarin weli kooxda AC Milan.

Garab weerar: Angel Di Maria (32 milyan oo euro)

Haatan waa 32-sano jir, Di Maria ayaa wali lagu qiimeeyaa mid aad iyo aad qiimihiisu u sarreeyo, wuxuuna ka mid yahay kuwa mustaqbalkooda PSG aan la hubin.

Weerar: Lionel Messi (100 milyan oo euro)

Looma ogolaan inuu baxo xagaagii hore, laakiin Messi waa uu ka tagi karaa Barcelona dhammaadka xilli ciyaareedkan haddii uu doonayo inuu ka tago kooxdii uu ku soo qaatay xirfaddiisa ciyaareed oo dhan.

Weerar: Sergio Aguero (35 milyan oo euro)

Xagaagan waxa uu noqon doonaa toban sano tan iyo markii Aguero uu ku biiray Kooxda Manchester City, laakiin ugu dambeyn waa uu ka tagi karaa kooxda reer England.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles