(Paris) 02 Jan 2021. Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa maanta oo sabti ah si rasmi aah u shaacisay inay la saxiixatay tababaraha reer Argentina ee Mauricio Pochettino.
Kooxda Paris ka dhisan ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay: “Hello Pochettino”, maadaama uu la wareegi doono mas’uuliyadda beddelka tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel.
Tuchel wuxuu fadhiyey kursiga tababarka ee PSG laba sano iyo bar, inkasta oo uu ku guuleystey laba koob isku xigta oo horyaalka Ligue 1, iyo sidoo kale Coupe de France iyo Coupe de la Ligue xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ee naadiga PSG.
Balse waxay guuldarro kala kulmeen Bayern Munich finalka Champions League ee 2020 waxayna haatan fadhisaa kaalinta seddexaad ee kala sareynta horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed, Pochettino wuxuu soo gabagabeynayaa muddo gaaban oo shaqo la’aan ah tan iyo markii uu ka tagay kooxda Tottenham bishii Nofeembar 2019.
In kasta oo lala xiriiriyay shaqooyin badan oo waa weyn oo Yurub ah oo ay ka mid yihiin leylinta kooxaha Real Madrid, Manchester United, iyo Juventus, halka sidoo kale Paris Saint-Germain ay qeyb ka aheyd baadi goobka.
Gool FM.