(Barcelona) 15 Feb 2021. Weeraryahanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya tijaabo aad u adag kaddib marka ay kooxda Paris Saint-Germain ku soo dhaweeyaan garoonka Camp Nou Talaadada, kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.
Messi ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii caadiga ahaa todobaadyadii ugu dambeeyay kaddib markii uu si adag kaga biloowday xilli ciyaareedkan, taageerayaasha ayaa rajadooda ku xiray in uu ku hogaamiyo kooxda guul kulanka adag, sidii uu sameeyay kulamadii ugu dambeeyay.
Xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay seddex gool, labo gool kalena wuu caawiyay 4 kulan uu ka ciyaaray xilli ciyaareedkan wareega group-yada ee tartanka Champions League, wuxuuna doonayaa inuu kordhiyo goolashiisa kulanka bari ay la ciyaarayaan PSG.
Lionel Messi ayaa rikoor gooldhalineed ee aad u fiican ku yeeshay kulamadii uu la ciyaaray kooxaha reer France xirfadiisa ciyaareed, wuxuu ka dhaliyay 9 gool, wuxuuna caawiyay 4 gool kale, 13 kulan uu kahor yimid, dhinaca kale wuxuu gacan ka geystay inuu gool dhaliyo kulan kasta cel celis ahaan.
Messi ayaa wajahday kaliya labo koox oo Faransiis ah intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, tan koowaad ayaa ah Paris Saint-Germain uu kahor yimid 7 kulan, wuxuuna kulamadan kaga dhaliyay 4 gool, halka sidoo kale uu caawiyay hal gool.
Kooxda labaad reer France ee uu ka hor yimid Lionel Messi xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta ayaa ah, Lyon, wuxuu la ciyaaray 6 kulan oo tartanka Champions League ah, wuxuu ka dhaliyay 5, wuxuuna caawiyay 3 gool kale.
Gool FM.