Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Horudhac: Paris Saint-Germain vs Barcelona… (Miyey Blaugrana sameyn kartaa taariikh kale?)

$
0
0

(Paris) 10 Maarso 2021. Waxaa wali dad badan maankooda ka guuxaya guushii soo laabashada lahayd ee taariikhda tartanka Champions League ka gashay baal dahab markii ay Barcelona kasoo laabatay guuldarro ay PSG kala kulantay lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartankan fasal ciyaareedkii 2016-17.

Balse markan guusha Paris ay gaartay lugta hore ayaa timid iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Camp Nou oo minnin u ah Barca.

Si kastaba ha ahaatee, Paris Saint-Germain ayaa caawa Barcelona kula ciyaareysa garoonkeeda kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League iyadoo lugtii hore kusoo adkaatay 1-4.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Parc des Princes

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:-

PSG ayaa xaqiijisay in Neymar Jr uu gebi ahaan seegi doono ciyaartan, waxaana weeraryahanka reer Brazil uu hore u seegay ciyaartii lugta koowaad ee ka dhacday garoonka kooxdiisii hore.

Sidoo kale, PSG ayaa weyneysa Moise Kean oo dhowaan laga helay xanuunka Korona Fayras, balse waxaa dib ugu soo laabanaya Angel di Maria.

Geesta kale, Barcelona ayaa kulankan ciyaari doonta la’aanta daafacyadeeda Gerard Pique iyo Ronald Araujo kuwaasoo dhaawacyo kala duwan ciyaartan ku seegaya, si la mid ah Philippe Coutinho, Sergi Roberto iyo Ansu Fati ayaa iyaguna dhaawacyo kaga maqnaan doona ciyaartan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

PSG ayaa guul gaartay labo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay Barcelona la ciyaartay Champions League halka midka kalena ay guuldarro la kulantay.

Ma jirto koox kasoo gudubtay wareegyada bug-baxda taariikhda tartanka horyaallada Yurub iyadoo kulanka hore farqi saddex gool ah looga soo adkaaday garoonkeeda.

Kani waxa uu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee labadan koox ku wada ciyaaraan Parc des Princess tan iyo February 2017 xilligaas oo ay PSG ku adkaatay 4-0.

Barca ayaa guuleysatay kaliya hal jeer sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay wareegyada bug baxda Champions League kusoo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana la gaarcay shan jeer halka saddex jeerna ay barbarro soo heshay, guusha kaliya ee muddadaas ay bannaanka kusoo gaartay waxay 1-0 kaga soo adkaatay Manchester United bishii April sanadii 2019.

PSG ayaa ugu yaraan hal gool ku dhalineysay 22-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku ciyaartay Champions League iyadoo wadar ahaan dhalisay 61 gool, kooxdii ugu dambeysay ee iyadoo ku ciyaareysa Parc des Princess gool u diidday waxay ahayd Real Madrid ciyaar 0-0 ku idlaatay oo dhacday bishii October ee sanadkii 2015.

Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay saddexdii kulan ee ay xilli ciyaareedkan kusoo ciyaartay bannaanka garoonkeeda.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles