Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Paris Saint-Germain oo ka ciribtirtay Barcelona tartanka Champions League una gudubtay wareega xiga ee siddeeda… +SAWIRRO

$
0
0

(Paris) 11 Maarso 2021. Paris Saint-Germain ayaa tartanka Champions League ka ciribtirtay kooxda Barcelon una gudubtay wareega xiga ee siddeeda, kaadib markii ay barbardhac 1-1 ah ku kala baxeen Barcelona kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka, balse PSG ayaa jaratay tikirka wareega xiga ee siddeeda, maadaama ciyaartii lugta hore ay ku soo adkaatay 1-4.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Paris Saint-Germain iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 30-aad Paris Saint-Germain ayaa heshay rigoore waxaana gool ka dhigay weeraryahankooda Kylian Mbappe, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0.

Laakiin daqiiqadii 37-aad Barcelona ayaa la timid goolka barbardhac, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay dheesha kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

45 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Barcelona ayaa loo dhigay rigoore, balse waxaa ka qasaariyay xiddigooda Lionel Messi.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Paris Saint-Germain iyo Barcelona, balse PSG ayaa ku soo baxday farqiga goolasha 5-2 maadaama ay kulankii lugta hore ee wareega 16-ka soo adkaatay 1-4.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles