(Yurub) 14 Maarso 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga dalka Jarmalka iyo horyaalka Ligue 1 ee dalka France.
Kooxda Arsenal ayaa kulanka loo yaqaanno Waqooyiga London waxa ay soo dhoweyn doontaa naadiga Tottenham kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League, halka Manchester United ay qaabileyso West Ham United.
Dhinaca kale horyaalka La Liga Kooxda Sevilla ayaa soo dhoweynaysa Real Betis, halka Real Sociedad ay booqanayso naadiga Granada.
Horyaalka Serie A ayaa isaguna lagu ciyaari doonaa kulammo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka kooxda Inter ay booqanayso Torino, midka Juventus ay u safreyso Cagliari iyo kulanka u dhexeeya kooxaha AC Milan iyo Napoli.
Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-
ENGLAND – PREMIER LEAGUE
03:00 Galabnimo Southampton vs Brighton & Hove Albion
05:00 Galabnimo Leicester City vs Sheffield United
07:30 Fiidnimo Arsenal vs Tottenham Hotspur
10:15 Habeennimo Manchester United vs West Ham United
SPAIN – LALIGA SANTANDER
04:00 Galabnimo Celta Vigo vs Athletic Bilbao
06:15 Maqribnimo Granada vs Real Sociedad
08:30 Habeennimo Eibar vs Villarreal
11:00 Habeennimo Sevilla vs Real Betis
GERMANY – BUNDESLIGA
03:30 Galabnimo Bayer Leverkusen vs Arminia Bielefeld
05:30 Galabnimo RasenBallsport Leipzig vs Eintracht Frankfurt
08:00 Habeennimo VfB Stuttgart vs Hoffenheim
ITALY – SERIE A
02:30 Duhurnimo Bologna vs Sampdoria
05:00 Galabnimo Parma Calcio 1913 vs Roma
05:00 Galabnimo Torino vs Inter
08:00 Habeennimo Cagliari vs Juventus
10:45 Habeennimo AC Milan vs SSC Napoli
FRANCE – LIGUE 1
03:00 Galabnimo Nimes vs Montpellier
05:00 Galabnimo Dijon vs Bordeaux
05:00 Galabnimo Lens vs Metz
05:00 Galabnimo Lorient vs Nice
05:00 Galabnimo Rennes vs Strasbourg
07:05 Fiidnimo Monaco vs Lille
11:00 Habeennimo Paris Saint-Germain vs Nantes
Gool FM.