(London) 24 Nof 2016 – Kooxda Arsenal iyo Paris Saint Germain ayaa u soo wada gudbay wareegga 16 dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub (UEFA Champions League), kaddib markii caawa ay barbaro 2-2 wada galeen ciyaar ka tirsanayd Qaybta (A), laakiin labadan kooxood ayaa wali ku dagaali doona kooxdii ku soo bixi lahayd kaalinta koowaad ee guruubka A.
Paris Saint Germain oo marti ahayd ayaa goolka la horreysay waxaana 18’daqiiqo u dhaliyey Edinson Cavani, kaddib markii uu dhammaystiray baas uu ka helay Blaise Matuidi isagoo ku jiray xerada ganaaxa, ciyaarta ayaana sidaas ku noqtay 1-0 looga gacan sarreeyey Gunners.
Dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta Arsenal ayaa goolkaas ku barbareysay rigoore loo dhigay, kaddib markii xerada ganaaxa uu Grzegorz Krychowiak ku jilaafay Sanchez, waxaana gool ku laadkaas gool u rogay weeraryahanka Gunners ee Olivier Giroud, kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Arsenal ayaa hoggaanka la wareegtay kaddib markii uu gool iska dhalis ah (Own goal) iska dhaliyey 60’daqiiqo Marco Verratti, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 ay ku gacan sarreysay Gunners.
Kooxda Paris Saint Germain ayaa heshay goolka barbaraha ciyaarta 76’daqiiqo waxaana kubbad uu soo karoosay Hatem Ben Arfa madaxeeyey Lucas Moura, inkastoo ay ku sii dhacday madaxa Alex Iwobi oo ka tirsan Arsenal sidaas ayeyna ku dhalatay oo Iwobi loogu diiwaan geliyey inuu iska dhaliyey Own goal) kulankuna waxa uu ku soo dhammaaday barbaro 2-2 oo ay labada dhinac isla dhaafi waayeen.
Paris Saint Germain ayaa faqiga goolasha ku fadhisa kaalinta koowaad ee qeybta (A), halka Arsenal ay ku jiro kaalinta labaad maadaama ay wadaagaan min 11-dhibcood, inkastoo ay xaqiijiyeen labadan kooxood inay u soo gudbeen wareegga 16-ka koobka horyallada Yurub, haddana waxa ay ku dagaali doonaan kooxdii ku soo bixi lahayd kaalinta koowaad ee Guruubka A.
Dhinaca kale kooxaha Ludogorets Razgrad iyo Basel oo dhankooda wada ciyaaray kulan ka tirsanaa qeybta (A) ee koobka horyaallada Yurub ayaa isla dhaafi waayey barbaro goolal la’aan 0-0.
SAWIRRO:
Gool FM.