(Madrid) 05 Abriil 2021. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Jorge Valdano ayaa ku dhawaaqay aragtidiisa ku aadan suurtagalnimada uu qeyb kaga noqon karo xiddiga reer Brazil ee Vinícius Júnior heshiiska la filayo Kylian Mbappé inuu ku yimaado Los Blancos, xagaaga soo socda.
Real Madrid ayaa dooneysa inay la saxiixato Kylian Mbappé xagaaga soo aadan, halka Paris Saint-Germain ay isku dayayso inay ceshato oo ay qandaraaska u cusbooneysiiso.
Si kastaba ha noqotee, ciriiriga waqtiga ayaa ku qasbi kara Paris Saint-Germain inay is dhiibaan oo ay iibiyaan weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappé, si ay kaga fogaadaan in beeca xurta ah uu kaga dhaqaaqo xagaaga soo socda.
Waxaa jira warbixino qaar ee sheegayay in Paris Saint-Germain ay qorsheynayo inay codsato in xiddiga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinícius Júnior uu qeyb ka noqdo heshiiska Kylian Mbappé uu ugu dhaqaaqayo Los Blancos.
Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu ka warbixiyay wareysi uu bixiyay halyeeyga Jorge Valdano, waxaana hadaladiisa kamid ahaa:
“Haddii ay aniga ahaan laheyd, xaqiiqdii waan ogolaan lahaa heshiiskaas.”
“Kaliya ma ahan qandaraaska mid ka mid ah ciyaartoyda ugu soo jiidashada badan uguna awooda badan adduunka, laakiin sidoo kale waxay quseysaa la saxiixashada shaqsi ay isku da’a iyo boos yihiin.”
Gool FM.