Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Ma jirto sabab ay ku baxaan Neymar iyo Mbappe”– Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi

$
0
0

(Paris) 14 Abriil 2021. Madaxweynaha Kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa rajaynaya in Neymar uu waqti dheer uu kooxda sii joogi doono, si la mid ah Kylian Mbappe oo uu Madaxweynaha PSG aaminsan yahay inaysan jirin sabab uu ka tagi karo.

Labadan ciyaaryahan ayaa ku jira wadahadalo ku aaddan heshiis kordhinta joogitaankooda garoonka Parc des Princes, iyadoo Agaasimaha isboortiga PSG ee Leonardo uu xaqiijiyay isbuucii hore inuu ku rajo weyn yahay arrinta ku saabsan heshiis kordhinta labadan laacib.

Isagoo la hadlayey xalay Sky Italy kaddib markii ay PSG u soo gudubtay afar dhammaadka Champions League, kulankii ay sharciga goal away uga soo gudbeen Bayern Munich, Madaxweyne Al-Khelaifi waxa uu u muuqday mid dabacsan isla markaana haysta fursado ay labadaan ciyaaryahan waqti dheer kula sii joogayaan kooxdiisa.

Al-Khelaifi: Neymar and Mbappe have no reason to leave | Marca

“Waxaan u malaynayaa sanadka soo socda in Neymar uu sii joogi doono Paris Saint-Germain, isla markaana uu waqti dheer sii joogi doono halkaan” ayuu yiri Al-Khelaifi oo hadalkiisa intaa ku daray: “Isaga iyo Mbappe ma jirto sabab ay ku baxaan.”

“Waxay inoo ahayd habeen cajiib ah, waxaan dhalin karnay saddex ama afar gool, waa wax qurux badan, waana ku faraxsanahay ciyaartoydeyda.

“Hadda waxaan hiigsanaynaa inaan ku guuleysano Champions League, waa sanadkii labaad oo xiriir ah oo aan joogno afar dhammaadka (Semi-finalka), waana guul weyn”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles