Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Horudhac: Paris Saint-Germain vs Manchester City… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka caawa lugta hore ee afar dhammaadka Champions League)

$
0
0

(Paris) 28 Abriil 2021. Riyada ku guuleysiga koobka Champions League ayaa la damin doonaa mid ka mid ah Kooxaha Paris Saint-Germain ama Manchester City kulanka caawa, iyadoo labada koox ay isku qaban doonaan garoonka Parc des Princes lugta hore ee afar dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub.

Les Parisiens kooxd lagu naynaaso ayaa goolasha ay bannaanka ku soo dhalisay (gool away) kaga soo gudubtaykooxda Koobka difaacanaysa ee Bayern Munich, iyadoo sidaas isaga soo xaadirisay afar dhammaadka tartankan, haka Man City ay cel-celis ahaan goola gaaraya 4-2 ku soo reebtay Borussia Dortmund siddeed dhammaadka Champions League.

Labadan kooxood ayaa natiijooyin guulo asoo gaaray kulammadoodii ugu dambeeyey ee maxaliga ahaa, inkastoo Man City ay ku guuleysatay Koobka EFL Cup-ka, kaasoo ay Final-kiisa ku garaaceen Tottenham Hotspur, halka PSG ay ku naalloonayso guul 3-1 oo ay horyaaka Ligue 1 kagagaartaynaadiga Metz.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Parc des Princes

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Wararka kooxaha:-

Juan Bernat waa ciyaaryahanka kaiya oo Tababare Mauricio Pochettino uu xaqijiyey inuu dhaawac kaga maqan yahay kulanka ay soo dhoweynayaan Manchester City caawa.

Marquinhos, Abdou Diallo iyo Rafinha ayaan ciyaarin kulankii ay 3-1 kaga adkaadeen Metz Sabtidii, laakiin kan hore ee kabtanka u ah kooxda PSG ayaa ah kan kaiya ee ku soo bilaaban doona kulanka caawa.

Haddii Pochettino uu adeegsado habka 4-3-3 markale, Idrissa Gueye ayaa khadka dhexe kula soo bilaaban doona Leandro Paredes iyo Marco Verratti.

Shaxdan sidoo kale Tababaraha PSG ayaa dooran kara inuu Kylian Mbappe hoggaamiyo Weerarkiisa, halka Moise Kean, Julian Draxler iyo Mauro Icardi ay keyd yihiin.

Mbappe ayaa garoonka laga saaray kulankii ay la ciyaareen Metz, laakiin dhaawaciis ayaan la aaminsanayn inu yahay mid halis ah oo seejin kara kulankan.

Macallinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa haysta shax dhammaystiran oo dhammaantood taam ah kulanka ay u safrayaan Paris, kaddib markii Kevin De Bruyne iyo Sergio Aguero uu ku soo daray shaxdiisa kulankii Axaddii ee Final-ka Carabao Cup-ka.

John Stones ayaa seegay kulankii ay 1-0 uga adkaadeen Tottenham, waxaana uu ku maqnaa ganaax, iyadoo uu daafaca kala ciyaari karo daafaca dhexe Aymeric Laporte, inkastoo uu dhaliyey goolkii guusha ee Wembley.

Ederson, Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo aan la isticmaalin Axaddii, waana ay ku billaaban karaan safka hore ee kulankaan, halka Bernardo Silva, Benjamin Mendy iyo Ferran Torres ay ka mid yihiin kuwa diyaar u ah inay ciyaaraan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Manchester City ayaa laga badiyay labo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay tartammada oo dhan, waxaana ay guuleysteen saddexd kale, taasoo ka dhigeysa inay saddex guuldarro soo gaartay33 kulan oo ay ciyaareen; waxayna guuleysteen 30-kii kulan ee kale.

>- Man City ayaa badisay 17-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen tartammada oo dhan, iyagoo dhaafay rikoorkii hore ee koox Ingariis ah oo 11 kulan adkaatay intii u dhaxeysay May iyo November ee 2017.

>- Kooxda Guardiola ayaa badisay 11 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay marti ahaayeen tartammada Yurub, waxaana ay haystaan 3 barbaro iyo 2 guuldarro, labada guuldarro ayaana ku soo gaaray Ingiriiska, kulankii ugu dambeeyay ee ay bannaanka ku soo ciyaaraan waxa uu ahaa kulankii Shakhtar Donetsk (1-2) maalintii lixaad ee Champions League fasal ciyaareedkii 2017-18.

>- PSG ayaa badisay 19 ka mid ah 25-kii kulan ee ugu dambeeyay tartammada oo dhan, waxaana ay haystaan 1 barbaro iyo 5 guuldarro, iyaoo muddadaas dhaliyay 59 gool, halka laga dhaliyay 21 gool oo kale.

>- Kylian Mbappé ayaa dhaiyey 19 gool 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray PSG oo ay ku jiraan saddexleey iyo todobo min labo gool, midkii ugu dambeeyay ee ka dhacay kulankii Sabtidii Metz ee Ligue 1.

>- Pochettino iyo Guardiola ayaa is-wajahay 18 jeer iyagoo Tababareyaal ah, Macallinka haatan ee Kooxda PSG ayaa badiyay kaliya saddex jeer, marka la barbardhigo 10 guul oo uu gaaray Guardiola.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles