Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Yaa guulo badan Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino ka hor kulanka caawa ee afar dhammaadka Champions League?

$
0
0

(Paris) 28 Abriil 2021. Labada tababare ee Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino ayaa caawa ku kulmi doona kulanka lugta hore ee afar dhammaadka Champions League, iyagoo kala hoggaaminaya labada kooxood ee Man City iyo PSG.

Kulankan ayaa ka dhacaya caasimadda Faransiiska, iyadoo hoggaamiyaha reer Argentine uusan jirin tababare ka badan inta uu xirfaddiisa Macallinnimo tababarihii hore ee Kooxda Barcelona.

Iyagoo ciyaaryahanno ah ayay xifaaltankooda ka soo bilaabeen kooxaha Barcelona iyo Espanyol, waxaana ay u soo gudbeen heerkooda Tababareennimo oo ay markale ku sii xifaatamayaan Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino.

Haddaba waxaa la is-weydiinayaa yaa guulo badan labadaan Tababare ka hor kulankooda caawa ee afar dhammaadka Champions League?:-

Labadaan Macallin ee Pochettino iyo Guardiola ayaa is-wajahay 18 jeer iyagoo Tababareyaal ah.

Hoggaamiyaha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa guulo badan, waxaana Macallinka Kooxda Man City uu adkaaday 10 kulan.

Macalinka Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa badiyey kaliya sadder jeer, halka shanta kulan ee kale ay barbaro ku kala baxeen.

Pep Guardiola: 10 Guul

Mauricio Pochettino: 3 Guul

Barbaro: 5 kulan

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles