(Barcelona) 28 Abriil 2021. Waxaanan wali dhinacna u dhaqaaqin shakiga ku hareersan mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Barcelona, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhammaadka xilli ciyaareedkan uu dhici doono qandaraaskiisa.
Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay cudud dhaqaale u isticmaaleyso lasoo saxiixashada kabtanka Barca ee Lionel Messi, iyagoo haatan diyaariyay yaboohii ugu horreeyay.
Sida laga soo xiganayo TNT Sports Brazi, kooxda PSG ayaa miiska u saartay kabtanka xulka qaranka Argentina qandaraas ku kacaya laba sanadood, waxaana warsidaha Koonfurta Ameerika laga aqristo uu intaas ku daray in heshiiska uu barbar sacdo mushahar aysan barbarreyn karin kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub oo xitaa Barcelona ay ku jirto.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Neymar Jr uu qayb ka yahay ka dhaadhicinta saaxiibkiisii hore inuu usoo hayaamo Paris, sidoo kalena lambarka 10-aad ee uu isagu xirto guddoonsiin doono ku guuleystaha Ballon d’Or lixda jeer.
Labada laacib ayaa Camp Nou kusoo wada qaatay afar xilli ciyaareed iyagoo noqday saaxiibbo isu dhow, waxaana lagu xasuustaa saddexleydii koobabka ahayd ee ay la qaadeen Barca sanad ciyaareedkii 2014-15.
Si kastaba ha ahaatee Xiisaha kooxda Faransiiska ka dhisan ay u qabto Messi ayaa ah mid aan sir ahayn, waxaase jira qorsho kale oo ay Barca ku cusbooneysiineyso heshiiskiisa maadaama uu haatan wada xaajood u socdo Madaxweyne Joan Laporta iyo Jorge Messi oo ah Aabbaha iyo wakiilka 33-jirka weerarka ugu ciyaara Blaugrana.
Gool FM.