(London) 06 Maajo 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo warramayaa inuu maamulka kooxdiisa ka dalbanayo lasoo saxiixashada xiddigo dhowr ah oo u baadan kuwa ka ciyaara difaaca sida wararka Ingiriiska ka imaanaya ay sheegayaan.
Sida laga soo xiganayo Sunday World, Macallin Tuchel ayaa maamulka Blues u gudbiyay dalab ku aaddan inay u dhaqaaqaan saxiixa difaaca naadiga Paris Saint-Germain ee Marquinhos.
Macallinka reer Germany ayaa doonaya inuu difaacan markale la midoobo iyagoo kasoo wada shaqeeyay naadiga Faransiiska ka dhisan, tii oo ay jirto inuu xilli ciyaareedkan dib ula midoobay kabtankiisii waayaha Parc des Princess ee Thiago Silva.
Daafacii hore ee AC Milan ayaa qaab bilaash ah ugu soo biiray Chelsea suuqii xagaaga, waxaana Tuchel uu haatan ku fikirayaa inuu difaacyada reer Brazil markaan ku mideeyo wadnaha difaaca ee Stamford Bridge.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu soo warramayaa inay kooxda reer England dhaqaale xoog leh u diyaarin doonto 26-jirka kabtanka u ah PSG maadaama qandaraaskiisu ay ka harsan yihiin saddex sano oo hor leh, waxaana kooxda reer France ay laacibkan ku iibin kartaa qiimo dhan 70 milyan oo gini.
Kooxda Chelsea ayaa gaartay fiinaalka Champions League sagaal sano kaddib iyadoo xalay garaacday naadiga Real Madrid oo ay 3-1 isku darka labada kulan kaga soo gudubtay.
Gool FM.