(Barcelona) 25 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa dhowaan heshiis cusub ka saxiixatay weeraryahankeeda Neymar Jr kaasoo si aad ah ay u dooneysay kooxda Barcelona, waxaana taasi ay soo af-jartay inay Blaugrana xilli dhow usoo ruqaansato iibsashada laacibka reer Brazil.
Hase ahaatee, taasi kama hor istaagin in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo ka baxsan garoonka, waxayna haatan ka wada xaajoonayaan inay soo af-jaraan dacwada dheeraatay ee uu xiddigan maxkamadda ka geeyay naadigiisii hore isagoo ku heysta gunnooyinka daacadnimada.
Barca iyo Neymar ayaa diyaar u ah inay nabad iyo is-af-garad kusoo dhammeeyaan doodda gaartay maxkamadda ee la xiriirta gunnooyinka uu isagu ku sheeganayo kooxda reer Spain.
Naadiga Camp Nou ku ciyaarta ayaa diyaar u ah inay ka taqallusto 16.7 milyan oo ay ku dooneyso laacibkii hore ee Santos haddii uu ka laabto dalbashada 47.15 milyan oo euro oo uu sheegay inay yihiin gunnooyinka daacadnimada oo uu ku leeyahay Barcelona.
Waxaa la hakiyay dacwo kale oo labada dhinac ay ku balansanaayeen maxkamadda taasoo u jadwaleysneyd lacag gaareysa 3.5 milyan oo euro oo uu Neymar ka doonayay Barcelona taasoo la xiriirtay gunnada lacagaha ay ka heshay Paris Saint-Germain, halka Blaugrana iyaduna ay ka tageyso 6.7 milyan oo euro oo ay xiddigeedii hore ka dooneysay taasoo ahayd gunnada heshiiska uu ugu biiray PSG.
Gool FM.