Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Waa maxay UEFA Europa Conference League?…(Yaa ka qayb galaya? Sideena loo ciyaari doonaa?)

$
0
0

(Yurub) 25 Maajo 2021. Xilli ciyaareedka soo socda ee 2020-21, waxaa bilaaban doona tartan cusub oo hoos taga xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA – kaasoo lagu magacaabo UEFA Europa Conference League.

Tarankan ayaa loo ciyaari doonaa hab la mid ah sida loo ciyaaro tartammada Europa League iyo Champions League, waxaana ka qayb galayaashiisa lagu koobay 32 naadi heerka Guruubyada halka markii hore la qorsheynayay 48 naadi inay ka qayb galaan.

Muxuu yahay UEFA Europa Conference League?

Tartankan waxa uu noqon doonaa tartanka saddexaad ee heerka naadiyada qaaradda Yurub isagoo barbar socon doona Champions League iyo Europa League, waxaana fikirka loo aas-aasay lagu saleeyay inay kooxaha Europe helaan fursado dhowr ah oo ay tartammada Yurub ku ciyaaraan.

Yaa ciyaari doona Europa Conference League?

Shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub – LaLiga Santander, Serie A, Premier League, Bundesliga iyo Ligue 1 – ayaa min hal koox ku yeelan doona tartankan, horyaallada ku jira kaalmaha 6-aad illaa 15-aad ee qaaradda Yurub ayaa iyaguna ku yeelan doona min laba koox, sidoo kale horyaallada ku jira kaalmaha 16-aad illaa 50-aad ayaa tartankan wareeggii Guruubyada ku yeelan doona min saddex koox, waxaa sidoo kale saddex koox ku yeelan doona horyaallada 51-aad illaa 55-aad, hase ahaatee, waxay soo mari doonaan kuwaas ciyaaro is-reeb-reeb oo bug-bax ah.

Waxaa jiri doona saddex wareeg oo is reeb reeb ah iyo ciyaaro kala bax ah kahor inta aanan lasoo gaarin marxaladda Guruubyada ee tartanka Conference League, waxaana wareegga Guruubyada soo gaari doona kooxaha kasoo talaaba kulammada bug-baxda oo lagu daray kooxaha kasoo haray kulammada bug-baxda ee loogu soo baxo Europa League.

Sidaas darteed, wareegga Guruubyada ayaa ka koobnaan doona siddeed Guruub oo min afar naadi ah, waxaana inta tartanka ka harsan loo ciyaari doonaa qaab la mid ah tartammada kale ee qaaradda Yurub heerka kooxaha.

Qaabkee ayuu u shaqeyn doonaa?

Kooxaha kaalmaha koowaad kaga dhammeysta Guruubkooda ayaa si toos ah u aadi doona wareegga 16-ka, waxaana soo raaci doona midkii soo gudba kooxaha kusoo baxa kaalmaha labaad iyo kooxaha kusoo hara kaalmaha saddexaad ee tartanka Europa League oo kulammo bug-bax ah kusoo kala bixi doona.

Ciyaaraha tartankan ayaa noqon doona kulammo laba lug ah oo minnin iyo marti loo ciyaari doono illaa laga gaaro fiinaalka oo hal ciyaar ah, waxaana kooxdii koobka qaadda ay si toos ah u aadi doontaa tartanka Europa League ee xilli ciyaareedkaas midka xiga.

Fiinaalka ugu horreeya ee tartanka Europa Conference League ayaa lagu ciyaari doonaa magaalada Tirana ee  dalka Albania marka ay taariikhdu tahay May 25-keeda sanadka 2022.

Maalmaha iyo xilliyada la ciyaari doono

Sida Europa League oo kale, waxaa kulammada Europa Conference League la ciyaari doonaa Habeenka Khamiista oo uu Jimcaha soo galayo 7:45 habeennimo xilliga Geeska Afrika iyo 10:00 habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles