(Porto) 30 Maajo 2021. Daafaca Kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thiago Silva ayaa kaddib markii uu xalay ku guuleystay Champions League, waxa uu weerar ku qaaday PSG.
Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa weerar ku qaaday kooxdiisii hore ee PSG kaddib markii uu xalay Chelsea kula guuleystay Champions League.
Waxa uu Thiago Silva ka sheekeeyey dhibaatooyinkii shaqsiga ahaa iyo dhaqankii aan wanaagsanayn ee uu kala kulmi jiray Kooxda PSG marka naadiga laga soo reebto tartammada gaar ahaan Champions League.
Thiago Silva waxa uu tilmaamay in markasta oo PSG ay khasaaro la kulanto isaga lagu sheegi jiray inuu yahay dambiile sida uu hadalka u dhigay.
36-sano jirkaan daafaca ka dheela ayaa iska ilmeeyey markii uu dhaawac kaga baxay qaybta hore ee kulankii final-ka Champions League ee xalay, waxaana uu maanka ku hayay in final-kii sanadkii hore ee Champions League ay qaadday Bayern Munich, isagoo markaas kabtan u ahaa PSG, laakiin wixii farxadda lahaa waxa ay hayd in saaxiibadiisa kooxda Blues ay awood u yeesheen inay Man City meel saaraan oo ay koobka gacanta ku dhigeen.
Thiago Silva oo warbaahinta RMC Sports u waramayey ayaa eedeyn u jeediyey kooxdii uu muddada dheer u soo ciyaaray ee PSG, waxaana uu yiri: “Mar kasta oo Paris la reebo, dadku waxay raadinayeen dambiile, markastana aniga ayay iga dhigi jireen, aad ayay u xumayd.
“Waxa aan rajaynayaa Paris inay mustaqbalka ku guuleysan doonto koobkan, sababtoo ah saaxiibbo badan ayaan uga soo tagay halkaas, marwalba waan la jiri doonaa Casaanka iyo Buluugga.”
Gool FM.