Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Halkee lagu ciyaari doonaa tartanka qarammada qaaradda Yurub ee EURO 2020?

$
0
0

(Yurub) 02 Juun 2021. Tartanka qaramadda qaaradda Yurub ee Euro 2020 ayaa xagaagan la daah rogi doonaa kaddib hal sano oo dib u dhac ah oo ku yimid tartankan kaasoo markii hore ku jadwaleysnaa sanadkii hore.

Tartankan oo 60-sano jirsaday ayaa markii ugu horreysay lagu ciyaari doonaa dalal dhowr ah oo ka tirsan qaaradda Yurub kaddib markii ay kordheen dalalkii dalbanayay marti gelinta tartanka Euro 2020.

Bishii December ee sanadkii 2012 ayuu xiriirka UEFA ku dhowaaqay in tartanka qarammada qaaradda Yurub ee 2020 lagu ciyaari doono dalal kala duwan markii ugu horreysay taariikhda tartankan iyadoo ciyaaraha nus-dhammaadka iyo fiinaalka lagu ciyaari doono magaalada London ee caasimadd England.

Si kastaba ha ahaatee, tartankan oo lagu balansanaa inuu dhaco sanadkii hore ayaa dib loo dhigay 12 bilood kaddib markii uu dunida aafeeyay xanuunka Korona Fayras, waxaana haatan uu socon doonaa 11-ka bishan June illaa 11-ka July ee sanadkan 2021.

Haddaba halkan hoose kaga bogo garoommada lagu ciyaari doono tartanka Euro 2020 iyo magaalooyinka & dalalka ay ku yaallaan garoommadaas:

Amsterdam (Netherlands) – Johan Cruijff Arena

– Baku (Azerbaijan) – Baku Olympic Stadium

– Bucharest (Romania) – National Arena Bucharest

– Budapest (Hungary) – Puskás Arena

– Copenhagen (Denmark) – Parken Stadium

– Glasgow (Scotland) – Hampden Park

– London (England) – Wembley Stadium

– Munich (Germany) – Football Arena 

– Rome (Italy) – Stadio Olimpico

– Saint Petersburg (Russia) – Saint Petersburg Stadium

– Seville (Spain) – Estadio La Cartuja

Waddammada tartanka marti galinaya isla markaasna is reeb-reebka kusoo baxay ayaa xaq u leh inay dhammaan saddexda kulan ee Guruubkooda ay ku ciyaaraan dalkooda iyadoo marti loo noqonayo, balse waxaa jira laba dal oo tartanka marti gelintiisa heysta haddana iska Guruub ah, waana dalalka Russia iyo Denmark, sidaas darteed, UEFA ayaa go’aamisay in Denmark ay saddexda kulan ku wada ciyaarto caasimaddeeda Copenhagen halka Ruushkana uu laba ciyaarood ku dheeli doono magaalada Saint Petersburg oo marti loogu noqon doono.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles