(Paris) 07 Juun 2021. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa qiray inay Barcelona dadaallo badan gelisay inay dib ula saxiixato Neymar Jr, balse iyagu ay diideen inay Barca ka iibiyaan xiddiga reer Brazil.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dooddiisa ku daray inay Barcelona dhaqaale xummo darteed ay la awoodi weysey saxiixa Neymar, sidoo kale laacibkan shaqsi ahaan uusan rabin inuu ku laabto kooxdiisii hore.
“Barcelona si adag ayay isugu dayday inay la saxiixato Neymar” ayuu Al-Khelaifi u sheegay mareegta L’Equipe.
“Sida iska cad, waynu ka diidnay.
“Waxay ila tahay inay heysteen dhibaatooyin dhaqaale, balse taasi shaqadeenna ma ahan, Barcelona marwalba way jecleyd Neymar, taasna sir ma ahan.
“Neymar marnaba ma uusan rabin inuu halkaas aado, xitaa isagoo aanan si buuxda ula qabsan PSG ama Paris, balse haddii aad hadda wacdo waxa uu kuu sheegi doonaa inuu ku faraxsan yahay PSG” ayuu yiri madaxweynaha kooxda reer France.
29-jirka weerarka ka ciyaara ayaa dhowaan heshiis cusub la galay kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1, waxaana taasi ay soo af-jartay rajadii Barcelona ee ku aaddaneyd inay dib ugu soo celiso kooxdeeda kaddib markii uu xagaagii 2017 kaga biiray kooxda uu haatan u ciyaaro ee PSG.
Gool FM.