(Paris) 07 Juun 2021. Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa ugu dambeyn caddeeyay go’aanka kooxdiisa kaga aaddan mustaqbalka Kylian Mbappe kaasoo xagaagan gali doona sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Parc des Princess.
Madaxweyne Al-Khelaifi ayaa meesha ka saaray shakiga hareeyay mustaqbalka weeraryahanka Faransiiska ah, waxaana uu sheegay inuu Mbappe sii joogi doono kooxda PSG.
Heshiiska 22-jirkan uu kula joogo kooxda reer France ayaa dhici doono bishan oo kale sanadka dambe, waxaana si aad ah loola xiriiriyay kooxda Real Madrid oo si daran u baadi goobeysa saxiixiisa.
“Waan idiin caddeynayaa, Mbappe wuxuu sii joogi doonaa Paris” ayuu u sheegay jariiradda L’Equipe.
“Marnaba ma iibineyno, isaguna kuma bixi doono qaab bilaash ah.
“Mbappe waxa uu Paris ku heystaa wax walba uu baahan yahay.
“Halkee ayuu aadi karaa? kooxdee ayaa baahiyahiisa kula tartami karta PSG maanta?” ayuu si kalsooni leh u yiri madaxweynaha PSG.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Al-Khelaifi ayaa sheegay inuu rajeynayo inay heshiis cusub la gaaraan Mbappe maadaama uu weeraryahankan jecel yahay kooxda Paris maadaama uu dalkiisa, magaaladiisa iyo horyaalkiisaba uu horumarinayo.
Gool FM.