Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Waxaan rabaa inaan la shaqeeyo Koeman, war cusubna waad heli doontaan sida ugu dhaqsaha badan”– Memphis Depay

$
0
0

(Barcelona) 17 Juun 2021. Xiddiga kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa qiray inuu jeclaan lahaa la shaqeynta Tababare Ronald Koeman sidoo kalena uu goor dhow xor u noqon doono ku biirista kooxda Barcelona.

Waxaa la rumeysan yahay in wada-hadalladii u dhexeeyay Barca iyo Depay ay guul ku dhammaadeen sidaas darteed, la sugayo kaliya inay kooxda reer Spain si rasmi ah ugu dhowaaqdo saxiixa xiddiga reer Netherlands.

“Qof walba waa uu ogaa inaan wada-xaajood kula jiray Barcelona” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Memphis oo ka warbixinayay mustaqbalkiisa iyo wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona intii uu ku gudo jiray shirka jaraa’id ee kahor ciyaarta caawa xulkiisa Netherlands la balansan yahay Austria.

“Waxaan rabaa inaan ka hoos ciyaaro Ronald Koeman, waa inaan haatan sugnaa, balse akhbaar ayaa si dhaqso leh u jiri doonta”.

Si kastaba ha ahaatee, Blaugrana ayaa lagu soo warramayaa inay saacadaha soo socda xaqiijin doonto saxiixa Depay kaasoo bilaash ay ku helayaan xagaagan maadaama uu dhacayo qandaraaskiisa 30-ka bishan June.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles