Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Jariiradda Mundo deportivo oo shaacisay Xiddigaha sanadkan Lionel Messi kula tartami doona abaal-marinta Ballon d’Or

$
0
0

(Barcelona) 14 Luulyo 2021. Saxaafadda waddanka Spain ayaa shaacisay xiddigaha u sharraxan abaalmarinta kubadda dahabka ee xilli ciyaareedkan, iyadoo la tilmaamay in Lionel Messi uu ugu cad cad yahay laacibiinta u tartamaya Abaal-marinta Ballon d’Or-ka.

Jaririadda ‘Mundo deportivo’ ee ka soo baxda Spain ayaa lagu qoray in guushii Taariikhiga ahayd ee xulka Argentina ka gaaray Brazil kuna guuleystay Copa America in Lionel Messi uu noqday laacibkii ugu wanaagsanaa iyo dhaliyihii tartankaasi ay shaki la’aan xagga sare ka gelinaso inuu xilli ciyaareedkan markiisii 7-aad ku guuleysto Abaal-marinta kubadda dahabka ah ee Ballon d’Or.

Inkastoo Messi uu xilli ciyaareedkii dhammaaday ku guuleystay Koobka Spain laga dhigo ee Copa del Rey iyo gool dhalinta Horyaalka La Liga, haddana guushii Copa America waxa ay sare u qaadday rajada ah in Messi uu markii 7-aad ku guuleysan karo Kubadda Dahabka ah sida uu tilmaamayo Wargeyska Mundo deportivo.

Warbixintu waxa ay intaa ku daraysaa in uusan jirin ciyaaryahan xilli ciyaareedkii hore gaaray guulo waa weyn oo uu kaga sarreyn karo xiddigaha kula tartamaya kubadda dahabka, waxaana Wargeysku uu sheegay in ninka keliya ee Lionel Messi kula tartami kara Kubadda Dahabka ah uu yahay xiddiga khadka dhexe ee xulka Faransiiska iyo kooxda Chelsea N’golo Kante, maadaama uu Chelsea u horseeday hanashadii Koobka Horyaallada Yurub, isla markaana uu ahaa xiddigii ugu fiicnaa ciyaartii kama dambeysta ahayd ee UEFA Champions League.

Inkastoo Kante iyo xulkiisa Faransiisku xilli hore laga reebay Euro 2020, haddana waxa ay Jariiradda Mundo deportivo qortay in aan Kante laga saari karin liiska u tartamayaasha Ballon d’Or.

Xiddigaha kale ee ay dhici karto in ay ka soo muuqdaan liiska musharrixiinta kubadda Dahabka ee laacibka ugu fiican Adduunka ee uu wargeysku xusay waxaa ka mid ah Laacibka kooxda PSG iyo xulka Faransiiska ee Kylian Mbappé, inkastoo uusan ku guuleysan midkoodna Horyaalka Faransiiska ama Koobka Horyaallada Yurub, isla markaana uu khasaariyay gool ku laadkii Faransiisku ku haray ee uu ugu gudbi waayay nus dhammaadkii Euro 2020.

Waxaa kaloo ka mid ah ragga carrabka lagu dhuftay inay ku jiri karaan liiska tartamayaasha Ballon d’Or-ka Robert Lewandowski oo weerarka kaga dheela kooxda Bayern Munich iyo xulka Poland, waxaana Lewandowski uu sanadkan ku guuleystay Kabta dahabiga ah ee dhaliyihii ugu goolasha badnaa horyaallada Qaaradda Yurub, halka naadigiisa Bayer Munich-na ay hanatay Horyaalka Bundesligaha Jarmalka, inkastoo xulkiisa Poland aysan soo gaarin Nus dhammaadkii tartanka Euro 2020.

Goolhayaha xulka Talyaaniga Gianluigi Donnarumma oo xulkiisa Azzurri u horseeday ku guuleysiga Koobkii Qarammada Yurub, isla markaana noqday xiddigii ugu fiicnaa ciyaartii kama dambeysta ahayd ee ay la dheeleen xulka Ingiriiska oo 3-2 Rigooreyaal ay koobka ku qaateen Italy ayaa la isku raacsan yahay inuu ku jiri doono liiska ciyaartoyda u tartamaysa kubadda dahabka, halka laacibiinta kale ee Wargeysku sheegay in ay Messi kula tartami karaan Kubadda Dahabka ah ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo oo u ciyaara Juventus iyo xulka Portugal oo ku guuleystay gool dhalinta tartankii Qarammada Yurub ee Euro 2020, Pedri Gonzales oo ka tirsan xulka Spain oo isna qaatay abaal-marinta da’yarkii ugu fiicnaa Koobka qarammada Yurub ee 2020, Kevin de Bruyne waxa uu isna Manchester City kula guuleystay Horyaalka Ingiriiska, halka uu ka mid ahaa raggii Man City soo gaarsiiyay final-kii UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Neymar Jr, Karim Benzema, Harry Kane iyo Jorginho ayaa iyaguna ka mid ah musharrixiinta Kubadda Dahabka ee Ballon d’Or sida uu Wargeysku qormadiisa ku xusay.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles