Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Maxay tahay sirta ku duugan funaanadda lambarka 4-aad ee tan iyo markii uu garoommada soo galay uu ku ciyaaro Sergio Ramos?

$
0
0

(Paris) 14 Luulyo 2021. Waxa aan warbixintan ku faah-faahin doonaa, maxay tahay sirta ku duugan funaanadda lambarka 4-aad ee tan iyo markii uu garoommada soo galay uu ku ciyaaro ciyaaryahan Sergio Ramos, isaga ayaana la weydiiyay oo ka jawaabaya.

Daafaca adag ee xulka qaranka Spain ee dhowaan ku biiray naadiga Paris Saint-Germain ee waddanka Faransiiska Sergio Ramos ayaa 16 sanadood kaddib ka tegay garoonka ‘El Santiago Bernabeu’ kaddib markii markii ay maamulka Real Madrid isku afgaran waayeen heshiis cusub, waxaana kala guurkaasi ka faa’iideysatay PSG oo heshiis labo sanadood ah la saxiixatay.

Muddadii fogeyd ee uu Ramos u ciyaarayay naadiga Real Madrid waxa uu u saftay 671 kulan isagoo u dhaliyay 101 gool, waqtigaas oo idilna waxa uu xirnaa funaanadda lambarka 4-aad ee Los Blancos, isagoo aan marna iska beddelin, kooxdiisa cusub ee PSG ayaa iyagana waxa uu u xiran doonaa isla lambarkii 4’aad ee uu ku can baxay.

Guulihii Taariikhiga ahaa ee uu Sergio Ramos la gaaray naadigii uu in badan soo difaacay ee Real Madrid waxaa ka mid ahaa 4 Champions League, 5 Horyaalka La Ligaha Spanish-ka ah iyo 4 jeer oo uu qaaday Koobka Kooxda Adduunka.

Haddaba maxay tahay sirta ku duugan in Sergio Ramos uu hal mar xitaa iska beddeli waayo Lambarka 4’aad? isaga ayaa ka jawaabay su’aashaasi.

Wareysi gaar ah oo uu Ramos siiyey bogga rasmiga ah ee naadiga Paris Saint-Germain ayaa waxa uu Ramos yiri: “Lambarka 4-aad aad iyo aad ayaan u qadariyaa, khuraafaad badan ayaana ka aaminsanahay, waayo waxaan lambarkaasi qaatay billowgii waayeheyga ciyaareed, kaddibna lambarkan waan xirnaa noloshayda, igama daba harin lambarkan afaraad, nasiib fara badan ayuuna ii hor seeday, guulo waa weyn ayaana ku gaaray, haatan lambarka 4’aad waa qayb ka mid ah shaqsiyaddeyda, noloshayda iyo xirfaddayda kubadda cagta”.

Ramos oo hadalka sii wata isagoo ka hadlayay lambarkan 4-aad ayaa yiri: “Sharaf weyn ayay ii tahay in aan markale lambarkan afaraad u xirto kooxdan quruxda badan ee PSG, sidaa darteed waa lagama maarmaan inaan lambarkeygii ku xirto halkan (Paris)”.

Ciyaaryahan Ramos ayaa noqonaya mid ka mid ah laacibiinta heerka sare ah ee uu la soo shirtegi doono tababare Mauricio Pochettino – Waxaana magaallada Paris kaga horreeya saaxiibadiisii hore ee Real Madrid ee kala ah Keylor Navas iyo Di Maria.

Wakaalladaha wararka ayaa qoraya in labada sano ee uu Sergio Ramos u ciyaari doono kooxda PSG uu mushaar ahaan u qaadan doono 21 Milyan oo Euro, taasoo noqonaysa ku dhowaad 10.5 Milyan oo Euro halkii sano.

Hoggaamiyihii hore ee kooxda Real Madrid, Sergio Ramos oo 35 jir ah ayaa sababihii uu uga tegay kooxdiisii Real waxa ay ahayd kaddib markii loo soo bandhigay heshiis cusub oo 1 sano ah iyo in 10% la dhimo mushaharkiisa, taas oo ah siyaasadda uu Guddoomiyaha Real Madrid, Florentino Pérez kula dhaqmo ciyaartoyda da’doodu ka sarreyso soddonka sanadood.

Waa ciyaaryahankii saddexaad ee suuqan kala iibsiga ay la soo wereegto kooxda PSG, kaddib markii ay horey u soo qaadatay xiddiga garabka midig ee reer Marooko ee 22 jirka ah ee ka soo tegay kooxda Inter, Achraf Hakimi, kaas oo noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda ciyaartoyda Carbeed kaddib markii ay Paris Saint-Germain ku qaadatay 70 Milyan oo Euro.

Waxaa kaloo PSG ay dhameystirtay heshiis ay kula wareegtay laacibkii khadka dhexe ee kooxda Liverpool, Georginio Wijnaldum oo ay la saxiixatay heshiis 3 sanadood ah.

Wixii aan sugnaaba waa waxqabadka Sergio Ramos ee xilli ciyaareedka cusub iyo wixii uu ku soo kordhiyo naadiga PSG.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles