(Liverpool) 14 Luulyo 2021. Suuqa kala iibsiga ayaa marba marka ka dambeysa sii shidmi doona kaddib dhammaadka Koobkii Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2020, isla markaana uu ku guuleystay xulka Talyaaniga, kooxo dhowr ah ayaa weydiisan doona saxiixyo cusub si ay safkooda ugu xoojistaan.
Khadka dhexe xulka qaranka Talyaaniga waxaa si wadajir ah ugu wada ciyaarayay xiddigaha Jorginho iyo Marco Verratti, laakiin sidoo kale 24 jirka Nicolo Barella ayaa bandhig fiican ka sameeyay koobka Euro 2020.
Nicolo Barella ayaa xilli ciyaareed fiican la qaadatay kooxda Inter Milan, wuxuuna kula guuleystay horyaalka Serie A, kahor inta uusan kula guuleysan Azzurri Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee Euro 2020.
Sida laga soo xigtay wargeyska “La Repubblica” kooxda Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso 70 million euros si ay ula soo saxiixato Nicolo Barella, isla markaana uu ugu noqdo badelka Georginio Wijnaldum, kaasoo u dhaqaaqay naadiga Paris Saint-Germain.
Inter Milan ayaa aaminsan in Nicolo Barella uu leeyahay mustaqbal weyn ayna doonayaan inay ku sii heystaan kooxda, laakiin haddii dalabkan weyn uu yimaado, kooxda ayaa ka fikireysa arintaas, gaar ahaan maadaama ay dooneyso inay xaliso dhamaan dhibaatooyinka dhaqaale ee ku hareereysan.
Gool FM.