(Paris) 25 Luulyo 2021. Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa fariin diidmo ah u diray xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba kaasoo ay u sheegeen inaysan dooneyn inuu kooxdooda kusoo biiro.
Kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ayaa bartilmaameed muhiim ah ka dhigatay Pogba xilli ay dhinaca kale hardan ugu jirto inay qandaraaska u kordhiso weeraryahankeeda Kylian Mbappe kaasoo heshiiskiisu uu dhici doono xagaaga dambe ee 2022.
Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha naadiga PSG ayaa boor ay ku caddeynayaan inaysan dooneyn Pogba kusoo bandhigay garoonkooda Parc des Princess shalay, waxaana arrintaan saldhig u ah wareysi uu kubbad qaabeeyaha xulka qaranka Faransiiska bixiyay bishii May ee sanadkii 2018 kaasoo uu ku sheegay inuusan dooneyn ku biirista Paris Saint-Germain maadaama labadiisa waalid ay taageero weyn u yihiin naadiga Marseille.
“Pogba waa inaad maqashaa hooyadaa, halkan ma kula rabto, annagan sidoo kale kuma rabno” ayuu u dhignaa qoraalkii ku qornaa maradii weyneyd ee ay taageerayaasha PSG kusoo bandhigeen garoonkooda.
Lama oga sida ay kooxda Caasimadda Faransiiska ka dhisan ay uga falcelin doonto ficilka taageerayaasheeda xilli si aad ah ay u dooneyso saxiixa 28-jirka Red Devils u ciyaara.
Gool FM.